|

Raysal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre Oo Soo Saaray Amar Ka Farxiyey Shaqaalaha Dowlada Soomaaliya!!!

Muqdisho 23. June 2017 (SDN/QJ):-Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Somalia Maxamuud Xayir Ibraahim, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Eng. Abdiraxman Cumar Osmaan Yarisow, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yusuf Muumin Siraaji ayaa kormeer howleed ku tagay Bankiga Dhexe si ay uga qayb qaataan dadajinta mushaharka shaqaalaha ee bisha May oo Ra’iisul Wasaare kheyre amray in la bixiyo inta aan la gaarin Ciida.

Wasiirada ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Bashiir Ciise iyo ku xigeenkiisa, waxaan ay ka waraysteen halka ay marayso dadajinta bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo guud ahaan howlaha ka socda Bankiga dhexe.

 

Kulan kaddib ayaa Wasiirada iyo xisaabiyaha guud la hadleen saxaafadda iyagoo ku aamanay howlwadeenada bankiga sida ay uga go’an tahay mudnaan siinta shaqaalaha dowladda iyo ciidamada kala duwan.

 

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in bixinta si joogta ah mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada ay qayb ka tahay balanqaadkii Madaxweynaha, dowladana illaa hadda ay ku guulaystay bixinta mushaaraadka.

 

“Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in si joogta ah loo helayo mushaaraadka hadana maanta la bilaabayo in Bangi Xisaabeedka uga furan shaqaalaha Bangiyada gaarka loo leeyahay mushaarkooda bisha May, waxaana ku xigaya bacdul ciid in la diyaariyo mushaharka bisha June, hadii Eebe idmo” ayuu yiri Wasiir Yarisow.

 

Shaqaalaha dowlada Soomaaliya ayaa si weyn ugu farxay una soo dhoweeyey amarka raisul wasaaruhu ku bixiyey in ciida ka hor la siiyo mushaharkooda si ay uga qeyb qaataan farxada ciida oo maalmo yar ay naga xigaan.

Comments are closed