|

Raysal-wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Mr Farmaajo Oo Muqdisho Ka Sheegay In Reer Somaliland Mag-Dhaw Laga Siiyo Dhibaatadii Loogu Geystay Midnimada

Muqdisho 19.Sep 2016 (SDN/QJ):-Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo u sharraxan Madaxweynenimada Soomaaliya ee Doorashada Sannadkan ka dhaceysa Dalkaasi, ayaa ka hadlay siday Mar kale u midoobi karaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu qiray in Sababta Reer Somaliland ay Xornimadooda ugala soo noqdeen Soomaaliya ay tahay dhibaato ay kala kulmeen Midnimadii Soomaaliya ee Lixdankii, isagoo xusay in la Takoorayey Lixdankii iyo Sagaashamaadkii.

maxamed-cabdillaahi-farmaajoMaxamed Cabdillaahi Farmaajo, Dadweynaha ku dhaqan Soomaaliya kula taliyey in reer Somaliland la siiyo Mag-dhow ay kaga samraan dhibaatadii ay ku muteen Midnimadii ay Shuruud la’aanta kula galeen Soomaaliya Lixdankii isla-markaana laga baryo Cafis, si buu yidhi mar kale Midnimada Soomaaliya u hirgasho.

 

Mr. Farmaajo oo ka hadlayey Munaasibad qayb ka ah Ololihiisa Musharraxa Madaxweynaha oo uu ku qabtay Muqdisho, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi, “Dhibaatada Soomaaliya ka taagan ma bilaaban 1991-kii, ee wuxuu bilaabmay 1960-kii, Waayo? Dad Soomaaliyeed oo Walaalaheen ah ayaynu takooreynay intii Dawladnimadu jirtay. Dadkii la dhibi jiray ee Walaalaheen ah waa inaynu Raalli-gelinno, Mag-dhowna siinno, oo aynu ka barino inay ina Cafiyaan, ILLAAHAYNA ka barino cafis.”

 

Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, waxa kale oo uu sheegay, “Walaalaheen Somaliland waa in lala fadhiisto oo wixii ay ku qanacsan yihiin la siiyo, si Midnimada loo sugo. Maxaa yeelay annaga wax walba waxa nagaga weyn Midnimada, markaa waa in lagu qanciyo wax alaale iyo waxay rabaan, Waayo? Waxaynu ka hadlaynaa maaha Hal Sano ama Soddon sannadood, ee waxaynu ka hadlaynaa Boqol Sannadood iyo Mustaqbalka Carruurteenna.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Markaa waa inaynu soo dhaweynno Dadkaa Walaalaheen ah oo Wada-xaajood dhab ah lala galo oo lagu qanciyo waxay Raalli ka yihiin, si ay Qayb uga noqdaan Midnimada iyo horumarka Soomaaliyeed.”

Comments are closed