|

Reer Oodweyne oo Roog-cas iyo Taageero Ballaadhan ku Qaabilay Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE SAWIRO

Oodwayne 26.August 2016 (SDN/QJ):- Dadweynaha Gobolka Daad-madheedh ee Somaliland, ayaa taageero aad u ballaadhan oo aan loo kala hadhin iyo roog-cas ku qaabilay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha KULMIYE iyo wefti ballaadhan oo ka kooban xisbiga iyo wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo booqasho ku tagay Gobolka Daad-madheedh, ayaa si layaab leh loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka iyo tuulooyinka Ceel-same iyo Ceel-bilcille, iyadoo boqolaal dadweyne ah oo ka kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo lulaya calamada Qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE iyo caleemo-qoyan ay ku soo dhaweeyeen weftiga murrashax Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waxay caddeeyeen sida ay u taageersan yihiin xisbal-xaakimka iyo xukuumaddiisa oo waxqabad miisaan leh u hirgalisay.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa oo ka ambabaxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo ay u hoydeen habeenimadii u dambeeyey, kadib markii uu ka soo laabtay Gobollada Sool, Saraar iyo deegaamo ka mid ah Buuhoodle oo uu u tagay dardargelinta hawlaha diiwaangelinta, waxa socdaal ujeeddadiisu tahay qaabilaadda xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Oodweyne oo ku biiray xisbiga iyo xogogaal-u-noqoshada mashaariic dhammaaday iyo kuwo socda oo xukuumaddu hirgelisay ku gaadhay Gobolka Daad-madheedh, halkaas oo dadka ku nool rag, dumar da’ walba leh iyo masuuliyiinba aanay u kala hadhin soo dhawayntooda.

Soo dhawaynta weftiga oo miisaankeeda u wayni ahaa xarunta Gobolka ee Oodweyne oo boqolaal shacab ahi kaga hortageen duleedka bari ee magaalada kadib waxa weftiga loo galbiyey gudaha magaalada oo loogu diyaariyey goob fagaare ah oo si bilicsan loo sameeyey, halkaas oo la dhigay roog-cas oo labada dhinacna lagaga meegaaray calanka xisbiga KULMIYE oo si gaar ah loogu dhigay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka Md. Muuse Biixi Cabdi.

Maayarka degmada Oodweyne Md. Cabdixakiim Nuur Muuse oo isaga afar xildhibaan oo kale ay halkaasi kaga dhawaaqeen inay si rasmi ah ugu biireen xisbiga KULMIYE, ayaa reer Oodweyne uga mahadceliyey sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen madaxda xisbal-xaakimka iyo xukuumadda.

Sidoo kale, Badhasaabka Gobolka Daad-madheedh Md. Farxaan Xasan Cabdi, Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Deegaanka – Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiiru-dawlaha Wasaaradaha Macdanta Md. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil iyo Wasiir-ku-xigeennada Gaashaandhigga iyo Warshadaha – Maxamuud Warsame Jaamac iyo Yuusuf Cismaan Garas iyo weliba Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa iyaguna ka mahadceliyey soo dhawaynta bulshada gobolku ku qaabishay weftiga xisbiga KULMIYE, waxaanay uga warrameen horumarka iyo waxqabadyada adeegyada muhiimka ah ee xukuumaddu ka hirgelisay gobolka, kuwa socda iyo inta qorshaha dhaw ku jirtaba, sidaasi darteedna waxa kula taliyeen dadweynaha inay qiimeeyaan oo ay ku kala doortaan xisbiyada siyaasadda waxqabadka.

Dhinaca kale, waxa halkaasi khudbado ka jeediyey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), Afhayeenka xisbiga Xasan Maxamed Cali (Gaadhaafi) iyo weliba Xildhibaan Saleebaan Cali Cawad (Bukhaari) oo ka tirsan Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah Golaha Deegaanka Hargeysa, waxaanay si dareen farxadeed ku jirto uga mahadceliyeen soo dhawaynta wayn iyo taageerada qalbi-furnaantu ku dheehantahay ee ay u sameeyeen reer Daad-madheedh.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu ku soo xidhay oo xafladdaasi, ayaa si aad uga mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey ee ka sakow isu-soo-baxa shacabka ay ku ladhnaayeen roogga-cas ee loo dhigay, Caano Geel, Salool iyo casuumad cunto ballaadhan oo lagu sooryeeyay iyo hablo xidhan dharka subeeciyadda oo qaabilay.

Md. Muuse Biixi waxa kaloo uu ka hadlay wada lahaanshaha Qaranka Somaliland iyo sida aannu u saamaynayn tartanka ka dhexeeya xisbiyada siyaasadda dalka,

 

waxaannu yidhi, “Dawladnimada iyo tartanka labada Qarankaa wada leh oo dastuurkaa dhigaya, marka la tartamayo waxaynu nahay walaalo tartamaya, xisbiyaduna waa wada xisbiyo Qaran oo nin waliba waxa uu dadka soo hordhigayaa waxaasaan qabanayaa oo hebel waxaasaan kaga duwannahay oo qaranka anigaa u qabanayaa, xisbi qolo ahi ma jiro mid qolo wax ku doonayaana ma jiro, waayo xeerkeenuna ma dhigayo, caqliyadna maaha ee waa in aynu ka kornaa oo aynu heer qaran u tartanaa. Markaa waan raacsanahay in xisbiyada Qaranku cid walba u sharraxan yihiin oo magaalooyinka iyo dalka u siman yihiin oo midna aannu qolo ahayn ee dhammaan reer Somaliland uu wada yahay oo bari iyo galbeed xisbiyadu u siman yihiin. Arrinta labaad, marka la tartamo dawladda dhisantaa dadku wada leeyihiin oo way u wada dhaxaysaa, markay saddexda xisbi tartamaan mid baa soo baxaya oo dawladda noqonaya, dadka oo dhami xisbigaa umay codayn ee qayb baa u codaysay, laakiin markay labada kale ku raacaan ayey dawlad xalaal oo sharci ah noqonaysaa, kadibna waa la wada yeeshay ileyn codkii xisbigii guulaystay iyo labadii kale ayaa la isku darayaaye sidaas ayeynu qaranka ku wada yeelanay.”

“Sidaas darteed, lama siyaasadayn karo adeegyada daruuriga ah ee dadku wada leeyahay sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, ammaanka, booliska iyo wixii la mid ahi ma gali karaan siyaasad ee qof waliba xaq buu u leeyahay, qaranka ayaanay ka dhexeeyaan ee xisbi xisbi kuma xidhna, laakiin xisbiyadu waxay kala leeyihiin anigu fikirkah iyo aragtidaha oo ay ku kala doodaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

DSC_3250_008 DSC_3250_009 DSC_3250_010 DSC_3250_013 DSC_3250_014 DSC_3250_015 DSC_3250_016 DSC_3250_017 DSC_3250_018 DSC_3250_019 DSC_3250_020 DSC_3250_021 DSC_3250_022 DSC_3250_023 DSC_3250_024 DSC_3250_025 DSC_3250_026 DSC_3250_027 DSC_3250_028 DSC_3250_029 DSC_3250_030 DSC_3250_031 DSC_3250_032 DSC_3250_033 DSC_3250_034 DSC_3250_035 DSC_3250_036 DSC_3250_037 DSC_3250_038

Comments are closed