|

Goobaha Fadhi Ku Dirirka Ah Ee Magaalada Muqdisho Oo Si Weyn Looga Hadal Hayo Xil Wasiirnimo Oo Cali Warancadde Looga Magacaabo Maamulka Xamar

Hargaysa 26.August 2016 (SDN/QJ):- Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Waddanka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay ayaa tibaaxaya in goobaha dadku isugu yimaad gaar ahaan dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland maalmihii ugu dambeeyey si weyn looga hadal hayay xogo aan la ogayn sida ay wax uga jiraan si cadna loo shaacin oo tibaaxaysa in Dawladda Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud hogaamiyaa qorshaynayso in ay Cali Maxamed Warancadde oo xilal kala duwan Somaliland ka sooo qabtay dhawr iyo labaatankii sano ee ugu dambeeyey ay u qorshaynayaan xil sare oo wasiirnimo.

WarancadeAxmed Cabdillaahi Xasan oo ka mid ah dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka xoogsada Magaalada Muqdisho oo toddobaadkan ka soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa wargeyska FOORE la wadaagay xogo la xidhiidha hadal hayn aan la ogayn halka ay salka ku hayso oo in badan magaalada Muqdisho maalmihii ugu dambeeyey laga hadal hayay taasi oo ah in Maamulka Villa Soomaaliya qorshaynayo in uu xilal cusub u magacaabo xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo uu ugu magac weyn yahay Mudane Cali Maxamed Warancadde oo dhawaan uun Madaxweynuhu xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Daakhiliga ka wareejiyey una wareejiyey in uu safiir Somaliland uga noqdo caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa.

Ilo-wareedyadan u dhuun daloola xantan maalmihii ugu dambeeyey ka jirtay magaalada Muqdisho waxa ay intaasi ku daraysaa in xubno ka soo jeeda Somaliland oo xilal ka haya maamulka Magaalada Muqdisho ay ka hadlayeen xubno aan tiradooda la cayimin oo la filayo in maamulka Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqo inkasta oo wararka qaar sheegayaan in qorshahaasi uu Xasan Sheekh u yaallo haddii uu mar kale ku guulaysto tartanka Doorasho ee dalkaasi oo aanu imika wax magacaabis ah samayn doonin.

Xubin sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliya aadna ugu dhaw xafiiska Madaxweynaha dalkaaasi Soomaaliya ayaa Foore u xaqiijiyey in ay jiraan magacyo yaalla Villa Soomaaliya oo la doonayo in ay dhawaan ka soo muuqdaan liiska xukuumadda dalkaasi ee Muqdisho fadhida magaca Cali Warancaddena maalmihii ugu dambeeyey uu ku jiray xanta siyaasadeed ee suuqyada Muqdisho balse aanu isagu caddayn Karin in uu ku jiro liiskaasi.

Cali Maxamed Warancadde oo ka mid ah masuuliyiinta ugu caansan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kana soo qayb qaatay xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka ayaan la ogayn haddii hadal hayntaasi dhabawdo in uu qaadan doono iyo in kale iyada oo Cali Warancadde ka mid yahay masuuliyiinta inta badan ku faana qaranimada Somaliland, balse aan la ogayn in uu ka daba tagi doono masuuliyiin badan oo Somaliland xilal kala duwan ka soo qabtay oo maanta ka cawaynaya Muqdisho xilalna looga magacaabay, sidoo kale xantani may sheegin wax xidhiidh ah oo dhex maray xagga maamulka Muqdisho iyo Masuul Cali warancadde iyada oo aannu ka wargeys ahaan kaliya helnay hadal hayntaasi oo kali ah oo aannaan faahfaahin kale ka helin dhinacyada arrinkani khuseeyo.

Ma jiraan xog rasmi ah oo Masuul Cali Warancadde ka soo baxay sidoo kalena nooma ay suurto galin in aannu wax ka waydiino xantan Muqdisho taalla kadib markii aannu ku waynay khadka taleefanka.

Comments are closed