|

Riala Odinga Waa Saaxiibka Somaliland

Madaxweynaha Kenya ayaa ku dhawaaqay inuu taageerayo in Raila Odinga uu noqdo Madaxweynaha Kenya ee isaga bedelaya dhawaan. Labadan nin oo ka soo kala jeeda laba Qabiil oo kala duwan, colaadina ay dhex martay reerahooda doorasho hore oo ay ku tartameen, ayaa arrintan Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku dhawaaqay ay wax weyn ka taraysaa Midnimada Dadkooda.

Madaxweyne Uhuro wuu heli karayay inuu dhiso Madaxweyne ku xigeenkiisa oo u haliilayay inuu isaga bedelo, balse waxa uu xeeriyay danta dadkiisa oo ay ku jirto in xukunka la wada yeesho, isla markaana uu taageero in ninkii uu doorashada hore uga helay uu imika taageero.

Odinga waxa uu saaxiib la yahay Shacbiga reer Somaliland, waxaanuu marar badan ku baaqay in Somaliland la aqoonsado.

Raila Odinga oo Madaxweyne ka noqda Wadanka Kenya waxay noqon doontaa guul usoo hoyatay Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa is weydiin mudan in Dalka Somaliland ay arrintan oo kale ka dhici karto oo Madaxweyne Xilka hayaa uu taageeri karo Murashax uu hore uga guulaystay oo Xisbi kale ahaa isaga oo Midnimada dadkiisa eegaya ?

Dabcan waxaan suurto gal noqon karini kuma jiraan Siyaasada !

Waxa keliya ee aan odhan karaa in Madaxweyne Muuse Biixi uu yahay nin ku dhac leh oo aan gabanin, go’aan kastana gaadhi kara oo isku kalsoon, si fiicana u fahamsan waaqaca dhabta ah ee Dalka ka jira oo haddii aanu isagu is sharraxayn odhan kara ku daba fayla Murashaxa uu u arko in danta dalku ay ku jirto.

W/Q wasiir ku-xigeenkii hore ee wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Kaysar Maxamed Cabdillaahi

Comments are closed