|

Wasiir Ummaddu Kama Wada Shaqayn Karto Farxaddaada! Faallo uu Wargayska Saxafi ka Qoray Wasiirka Madaxtooyadda

Hargaysa 26. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa mar kale wax ka sheegay caqliga dadka dhaliila geedi socodka Siyaasadda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Waxaana uu ku sifeeyay “Dad cuduro qaba oo horumarka ka soo hor jeedda”

Wasiirku waxaa uu sidan ka sheegay munaasibad shalay loo qabtay biyo-xidheen kooban oo Imaaraadku ka dhisay deegaanka Xunbo Weyne.

 

Wasiirku waxaa uu carabka ku adkeeyay in si weyn loo naqdiyay heshiisyadda Xukuumaddu la gashay Imaaraadka Carabta, hadii ay tahay Dekeda Berbera ee lagu wareejiyay iyo hadii uu yahay Saldhiga Ciidanka ee laga siiyay magaaladdaasi. Waxaana uu barbar dhigay dalka Soomaaliya oo tobanaan sanadood dagaallo ka socdeen oo uu sheegay in xataa Ciidamo shisheeye joogaan balse aan cidi ka hadal. Waxaana uu yidhi, “Intaasoo saldhig milateri ayaa ah, miyaa wali qaylo ka maqasheen saldhigyadooda, waxbaa la iibinayaa, waa layna xadayaa miyaa maqasheen iska daa oo ciidamo shisheeye ayaa jooga oo ka shaqeeya miyaa qaylo ka maqasheen? dekedoodii ayaa la dhisayaa, dekeda Muqdisho Turkiga ayaa maamula habeen qaylo kamaynaan maqlin,”

Dal la haysto oo Intii Somaliland dhismaysayba burburayay oo aan dawalad la doortay lahayne garoonka diyaaraddaha odayaal lagu ururiyay oo kumanaan Askari lagu xeeray ay u xuleen madaxweynaha oo aan dal la mid ahi dunnida guudkeedda ka jirin in lagu riyoodo uun mooyaane., marka dawladdeenu isku dhereriso ee ay weliba ku dayato, dabadeedna tidhaahdo Soomaaliyaba dadkeedu kama hadlaan ciidamada haysata iyo saldhigyadda ku yaaalle maxaa annaga xisaabta la noo weydiinayaa waxay muujinaysaa xaaladda dalku marayo.

 

Waxay si dadban uga marag kacaysaa Burburka nidaamyaddii Dhaqaale, maamul iyo Siyaasadeed uu gaadhsiiyay maamulkan shanta sanno la doortay ee sideed jirka hadeer marayaa. Waayo, haddii aanu burburka uu gayaysiiyay nidaamkii Axsaabta ogayn kuma hammiyeen in dalku noqdo sidda Djibouti oo ruux kalli ahi ka taliyo ama Soomaaliya oo la ogyahay. Haddii aanu dareensanayn cabashadda dan-yarta noloshu ku adkaatay ee abaaraha iyo Sicirbararku kala goostay kuma hamiyeen inuu sii aamusiiyo, waxaa uu ogyahay sida laga fiican yahay ee ay u maareeyeen taladii lagu aaminay oo ugu danbeyntii gaadhay in boqolaal shaqaale ah wax kaleba iska daayo oo intaas oo sanadood rajo ku soo shaqaynayay  markii sanadka loo bilaabi lahaa mushaharka la yidhi waxba la idiinma hayo.haddana malaha wuxu ka sii jeclaa inay abaarta ku madhaan oo aan midh ka hadhin shacbiga.

 

Yaan qarrin taraarine aan qirro in aan la necbayn marnaba oo la soo dhaweynayo wixii horumar ah ee dalka Xukuumadaasi u keento. Laakiin, su’aalaha saldhiga ciidanka ee Berbera iyo Dekeda lafteedaba la iska weydiiyay waxaa ay ahayd haddana tahay oo looga taag waayay madaxtooyadda cadeeya danta ummada ugu jirta hawshan oo heshiisku banyaal ha noqdo, daaha ka rogga shirkadahan shidaalka ee Xaalufiyay erladda waxaa ay ummadu ka dheefayso oo taabsiiya oo xoog dalka kumaydaan qabsane dadkii idin doortay ee shaqadda idiin dhiibtay la xisaabtama.

Weliba waxaan jirin mucaarad abaabulan oo si huffan u gaylami karra oo Mudane Siilaanyo waa uu ka sii gaashaantay taas. Laakiin, qayladdu inta waa ka badan lahayd.

Haddana, waa kuwaas. Wasiir Maxamuud waxa uu su’aashaas u qabaa Kud iyo Caal iyo Qaniin. Waxaabu I xasuusiyay Jacburkii Abwaan Hadraawi ee Isa Sudhan.

 

“Tolow dawlad dhega-xidhan

Dummaddayda lagu qoro

Dal tolow habeensadey

Geyi aan dab laga shidan

Dayaxuna u soo bixin

Qorraxduna dellegan tahay

Dugsi iyo aqoon iyo

Garashiyo dareen iyo

Dadnimiyo xishood iyo

Dastuur iyo xisaab iyo

Dacwad iyo garsoor iyo

Tartan iyo dardaan iyo

Dibjir iyo wax buuqiyo

Danyar qaylisaa jirin

Dimuqraaddinimadiyo

Xaqa cidina daaficin”

 

Laakiin, haddana waxaan is idhi wuu ogyahay waa halkaase in aanu hellayn taas, laakiin, uu jeclaan lahaa uun. “Duqu waa ogsoon yahay

 

Inaan daayin abidkii

 

Dawladdaas la yaabka leh

Damaciisu siinayn

Duniduuse barayaa

Sida uu dastuurkiyo

dugsigiyo aqoontiyo

Dareenkiyo xishoodkiyo

Daacaddiyo sinnaantiyo

Dimuqraaddinimadiyo

Dadnimada u neceb yahay,

Dar kalaa la qaba saas.”

Xigasho Wargeyska Saxafi

Comments are closed