|

RW Ku-xigeenka oo booqday degaanada fataahadu saameysay ee Beydhabo

Baydhabo November 14, 2023 (QJ) -Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa u kuur galayay xaaladda dadka ay saameeyeen roobabkii dabeylaha watay ee El Nino.

Saalax oo ay wehlinayaan mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda ka hortagga masiibooyinka Soomaaliya (SODMA), xubno ka socday hay’adaha gargaarka, iyo wadamada saaxibada Soomaaliya ayaa booqday deegaannada ay fatahaaduhu saameeyeen iyo khasaaraha kale ee ka dhashay roobabka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Lafta-gareen iyo sidoo kale mas’uuliyiinta u xilsaaran gurmadka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo dadaallo wadajir ah oo lagu caawinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo in la yareeyo khatarta caafimaad ee la xiriirta biyaha fadhiya.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa kula dar daarmay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallo ay dowladda iyo hay’adaha samafalka ka wadaan gurmadka abaaraha ee ka dhashay roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay gobollada dalka.

Comments are closed