|

RW Xamse oo Qaabilay Ergeyga Shiinaha ee Geeska Africa

Muqdisho March 26, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Shiinaha u fadhiya Geeska Afrika Ambassador Xue Bing, waxayna ka wada hadleen sare u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Shiinaha ee ku sugan Soomaaliya, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Cali Balcad, la taliyaha ra’iisul wasaaraha Drs Hodan Cismaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada badan leh ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo muujiyay baahida loo qabo in la helo isbeddel la taaban karo oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada ah oo wax weyn ka tari doona labada dal.

Danjire Bing ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Dowladda Shiinaha ayaa ugu yaboohday Soomaaliya 15 milyan oo dollar oo gargaar ah bishan March ee sanadka 2024-ka, waxaana sidoo kale ay soo gaarsiisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay gargaar caafimaad oo degdeg ah. Gargaarkan ayaa kor u qaadi doona adeegyada daryeelka caafimaadka degdega ah ee Soomaaliya.

Comments are closed