|

Shabaabka oo markale weeraray Xerada Daaru Nicma

Muqdisho March 26, 2024 (QJ) -Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay mar kale weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaala degmada Daaru Nimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa xaqiijinaya in ciidamada ay heleen xog ku saabsan weerar ay ku soo wajahan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, kadibna ay faarujiyeen saldhigga. Si kastaba ha ahaatee, ugu dambeyntii labada dhinac ayaa dagaal dhex maray.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka, ayaa sheegay inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Ilaa hadda lama oga tirada saxda ah.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada bisha Ramadaan. Bishii Ramadaan waxay weeraro ku qaadeen Busleey, Sanguuni, Xinlabi, Hotel SYL iyo weerarkii hadda lagu qaaday Daaru Nimca.

Daaru Nimca waa goob istaraatiiji ah oo muhiim ah, waxaana Al-Shabaab laga saaray horraantii 2023. Bishii June 2023, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigga Daaru Nimca, iyagoo sidoo kale weerar kale ku qaaday September 2023.

Comments are closed