Hargeysa 26.April 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Mudane Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa guud ahaan dadweynaha reer Somaliland ee ku kala dhaqan Gobolada Iyo Degmooyinka dalka ugu baaqay in salad roob-doon ah la tukado saaka oo Axada ah taariikhduna tahay 26ka bishan April 2014ka kuna Beegan 7da Bisha Rajab ee 1436ka Hijriya. Saacaddu marka ay tahay 8:00 Siddeedda subaxnimo, laguna tukado Goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay Garoomo ama masaajiddo.
Wasiirka diinta iyo awqaafta ayaa ka xogwaramay ahmiyada ay leedahay salaada roob doonta ah, wasiirka oo war-saxaafadeed uu soo saaray kaga waramay ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
“
Sida aynu la socono Madaxweynaha Jahuuriyadda Somaliland Mudane Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo Waxa uu Amray in Dadweynaha reer Somaliland ee ku nool Gobolada iyo Degmooyinka dalku ay Tukadaan Salaadda Roobdoonta maalinta Axadda ee 26ka bishan April 2014ka kuna Beegan 7da Bisha Rajab ee 1436ka Hijriya. Saacaddu marka ay tahay 8:00 Siddeedda subaxnimo , taasi oo ka dhici doonta Goobihii lagu tukan jiray Saaladda Ciidda haddii ay tahay Garoomo ama masaajiddo , salaadda roobdoontu Waa sunnihii nabegeena suuban SCW marka ay sidan oo kale uu Roobku inaga dib dhaco, Waxa loo baahanyahay in lagu dadaalo Soonka iyo Alla ka cabsi iyo toobad keen ilaahay loogu noqonayo oo dunuubta laga soo noqonayo Maalmahan ka horreysa tukashada Salaadda Roobdoonta islmarkaana Ciddii Dulmi cid kale ka gashayna looga baahanyahay in ay cafis dalbaan iskana celiyaan dulmiga islamarkaana Wixii wanaag ah in la is faro Xumahana la iska reebo waxaana habboon in gacmaha la is qabsado oo la is taakuleeyo oo qof waliba qofka kale uu caawiyo laguna sadaqaysto dadka tabaalaysan ee miyi iyo magaalaba jooga manta waa maalintii loo baahnaa iskaalmaynta iyo iska warqabka ee jaarka haddii ay tahay iyo qoyskaaga ama qaraabadaada haddii ay tahay aad wixii aad ku dhaanto aad ku caawin lahayd sadaqaduna waa ta aynu naxriista alle ku helayno .Alla waxa uu yidhi marka aad isu naxriisataan ayaan aniguna idiin naxariisanayaa”.
Dhanka kale Gudoomiyihii Hay’ada Shaqaalaha dawlada Prof Maxamed Mixile Boqore ayaa sheegay in Shaqaalaha dawladu aanay fasax ka noqon doonin Shaqadooda balse marka ay soo dhamaystaan Salaada roob doonta ay Hawlihii ay ummada u hayeen halkoodii ka sii ambo qaadi doonaan.
Hargaysa SDN/QJ
