|

Saaxiibada Caalamka oo soo dhaweeyay waxkabedelka Dastuurka

Muqdisho March 31, 2024 (QJ) -Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay soo dhaweeyeen dadaalladii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay dib u eegista iyo wax ka bedelka dastuurka dhameystiran, iyagoo qiray talaabooyinka muhiimka ah ee dowladdu ka qaaday arrintan.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamiga ah waxay sheegeen in dawladda Soomaaliya ay xaqiijisay waajibaadkeeda caalamiga ah iyo ballanqaadyada heer gobol ee ku aaddan xuquuqda aadanaha, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta.

Prtners ayaa ku booriyay dhammaan daneeyayaasha inay laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan dadaallada loo dhan yahay iyo kuwa wadatashiga ee looga golleeyahay in la isku waafaqo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka ee muhiimka ah.

Taageeradan caalamiga ah ayaa timid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay dukumeentiga rasmiga ah ee wax ka bedelka qodobbada 1, 2, 3, iyo 4 ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah xubnaha Golaha Shacabka. Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay.

Wax ka bedelka dastuurka ee dhawaan la sameeyay ayaa ah mid aan weli taageero iyo taageero ballaaran ka helin maamul goboleedyada Soomaaliya, kuwaasoo intooda badan qeyb ka ahaa heshiisyadii hore ee qeexayay isbedellada dastuuriga ah ee Soomaaliya.

Comments are closed