Uncategorized

“Sabab Allaale sabab la igu soo celiyo, iyadoo madaxweynuhuna ahaa nin aanu soo wada shaqaynay markii uu mucaaridka ahaa, inuu I soo celiyo aniga waxay iila eg tahay inaanay gar ahayn oo ay qayrul sharci tahay,” Prof Fadal

Hargaysa 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo ah xubintii Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ay u magacaabeen Xubnaha Koomishanka ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo labada jeer soo celiyay,ayaa markii u horaysay ka hadlay dhex-dhexaadnimadiisa, waxaanu go’aanka Madaxweynuhu ku soo celiyay uu ku tilmaamay mid aan Gar ahayn oo qayrul sharci ah.

Dr. Maxamed Cismaan Fadal waxa uu sheegay inuu u taagan yahay sidii ay doorashooyinkeennu u noqon lahaayeen xalaal, waxaanu ku dooday inaanu waligii cadaalad darro cid ku samaynin oo uu hanan kari lahaa xilkaas xisbiga WADDANI u magacaabeen.

fadalDr. Maxamed Cismaan oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiga WADDANI waxay xubinta komishanka doorashooyinka iigu magacaabeen hawl ay u arkayeen inaan khibrad badan iyo aqoon badan u leeyahay oo aan muddo badan ka soo shaqaynayay dadkuna igu yaqaaneen inaan muddo dheer ka soo shaqaynayay dimuqraadiyadaynta Somaliland iyo hawlaheeda doorashooyinka. Aniguna waxaan u arkayay inay dalkeenan yar ee dhismaya ay hawl muhiim ah tahay inaynu iska saxno doorashooyinka oo ay ka saxanto Hay’adda komishanka doorashooyinka inay hawshu tahay arrin halbowle ah ayaan u aqbalay arrintaasi. Waxaanan u arkaa inaan cadaalad iyo kartiba u yeelan lahaa.sharcigana si aan u waafajiyo xilkii xisbiga waan iska casilay, waxaan ahay qofkii ugu horeeyay ee warbaahinta aad ka maqasheen inuu iska casilay xilkii xisbiga. Mar haddii aan xilkii iska casilayna waxaan ahaa qof dhex-dhexaad ah oo Hay’adaasi shuruucdeeda u hoggaansamaya ayaan ahaa.”

“Sabab Allaale sabab la igu soo celiyo, iyadoo madaxweynuhuna uu ahaa nin aanu soo wada shaqaynay markii uu mucaaridka ahaa oo aanu dalkan dhismihiisa iyo dumuqraadiyadiisa ka soo wada shaqaynaynay ayuu ahaa, inuu I soo celiyo aniga waxay iila eg tahay inaanay gar ahayn oo ay qayrul sharci tahay,”Ayuu yidhi Dr. Fadal oo u waramayay Telefishanka Bulsho TV.

“Sharcigu waa inuu noqdaa mid dadka oo dhami u siman yahay ee maaha inuu noqdo mid qof lagu diidayo, anigu Xisbi kama tirsani haddii aanan is lahayn sidii sharcigu ogolaa ayaad martay shuruudihii Xubinta Komishanka laga doonayay ma aan galeen,”Ayuu intaas raaciyay Maxamed Cismaan Fadal.

Df. Fadal oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku kabay “Waxaan maanta u taagan nahay, berrina u taagnaan doonaa in dalkeenan curdinka ah Ha’yadihiisa dawliga ahi si cadaallad ahu dhismaan oo wadankeenu waa curdine’ aanay cidina ku adeegan, aniguna aanan ku adeegan, Madaxweynena ku adeeganin ayaan u taagan nahay, taariikhdaydana meel aan cid ugu kala eexday ma jirto waxaan ahay qof xirfadle ah (Proffesional). Qofkuna isagoo shalay meel ka shaqaynayay maantana meel kale ayuu tagi karaa oo uu ka shaqayn karaa, waxa ku qabanaya Xilka iyo Sharciga meesha aad tagtay.

“Cid uma aan Liiceen, sharciga doorashooyinka ayaan ilaalin lahaa, sharciga inaan maalin la dhaafin ayaan ilaalin lahaa, sharciga inaan qof kursi ku fadhiisan Karin kordhisanna Karin ayaa ilaalin lahaa intaas cidii igu diidaysaa iyagay u taallaa,”ayuu intaas raaciyay Maxamed Cismaan.

Maxamed Cismaan Fadal oo la weydiiyay asbaabaha uu tuhmayo in madaxweynuhu ku diiday xubinimadiisa Komishanka wuxuu yidhi “Anigu waxaan u taagan nahay inaynaan maanta qaadi Karindoorasho mar kale cadaalad darro ku dhacda, inaynu arrintaasi ka digtoonaano weeye haddii ay tahay xisbiyadda, warbaahinta iyo madaxweynahaba.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com