|

Sababta Dhabta ah ee Madaxweyne Biixi u tegay Jabuuti

Jabuuti (QJ) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa safar deg deg ah ku tegay dalka Jabuuti oo la sheegay carootay heshiis dhawaan ay gaareen shirkadaha isgaarsiinta Somaliland.

Shirkadaha isgaarsiinta Somaliland ayaa intooda badan waxa saamiga ugu badan ku leh qoyska madaxtooyada Jabuuti.

Xukuumada Somaliland ayaa heshiis ay dabada ka riixeyso waxa ay dhawaan dhexdhigtay shirkadaha isgaarsiinta, heshiiska ayaa hoos u dhigay saameynta dhaqaale ee Jabuuti.

Madaxtooyada Jabuuti ayaa la sheegay in aan heshiiskaa lala socodsiin, deetana ka carootay.

Lama garan karo sida Madaxweyne Biixi oo ku jira gacanta Haromuus ugu qancin karo heshiiska xarkaha fiber optica ee dhawaan Hargeysa lagu saxeexay.

Waxa hore tiroba dhawr jeer loogu eedeeyay xukuumada Jabuuti in ay hantida dalkaa u adeegsato farogelin dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay ku heyso Somaliland.

Aduunka ay Haromuus geyso Hargeysa ayaa waxa si weyn looga baahan yahay dalka Jabuuti oo shaqaalaha dawlada mamarka qaar kooraanku ka maqnaado mudooyin dhaadheer.

Dhamaan madaxweynashii soo maray Somaliland ayaa mid weliba tiroba dhawr jeer booqdeen Jabuuti, halka Madaxweye reer Jabuuti ah aanu weligii booqan Somaliland.

 

Comments are closed