|

Suaalaha tayo iyo Saamiqeybsiga Safiirada Somaliland oo isa soo taraya

Hargeysa (QJ)- Xukuumada Somaliland ee madaxweyne Muuse Biixi hogaamiyo ayaa la shaaciyay dheelitir xumo ka jirta safiirada ay caalamka u dirsato si ay uga shaqeeyaan danaha dalka.

Saami qeybsiga degaanada iyo reeraha ayaa la shaaciyay in ay dhan ka raran tahay, isla markaana la dhaliilayaa waxqabadkooda.

Dadka ka faalooda hawlaha ictiraaf raadinta ayaa sheega in masuuliyiinta la magaacabo aaney intooda badan laheyn khibradaha looga baahan yahay hawlaha loo igmaday.

Sidoo kale waxa la isweydiinayaa waxa ay qaban karaan safiiro iyo safaarado aaney dalalka ay joogaan laga ictiraafsaneyn.

Sidoo kale, waxa isweydiin leh waxa laga filan karo xukuumada Muuse ee iska baalmartay saamiqeybsiga dal aan la aqoonsaneyn.

Hadaba halka hoose ka akhriso magacyada shakhsiyaadka iyo beelaha lagu naas nuujiyo haasaawaha aqoonsi raadinta HEEGO.

Safiirka Uganda. Sacad Muuse. Habar Awal
Safiirka Jabuuti. Sacad Muuse. Habar Awal.
Safiirka Sweden. Sacad muuse. Habar Awal
Safiirka Finland. Ciise Muuse. Habar Awal
Safiirka Norway. Sacad Muuse. Habar Awal
Safiirka Taiwan. Sacad Muuse. Habar Awal
Safiirka Jarmalka. Ciise Muuse. Habar Awal
Safiirka Maraykanka. Gadabguursi
Safiirka Kannada. Gadabguursi
Safiirka Faransiiska Gadabguursi
Safiirka UK. Habar jeclo
Safiirka Kenya. Habar Jeclo
Safiirka Yaman. Habar jeclo
Safiirka Midowga Afrika. Habar jeclo.
Safiirka Imaaraatka. Toljeclo
Safiirka Turkiga. Warsangeli
Safiirka Yemen. Warsangeli
Safiirka Sucuudiga. Dhulbahante
Safiirka China. Dhulbahante
Safiirka Holland. Arab
Safiirka Itoobiya. Arab
Safiirka Koonfur Afrika. Arab
Safiirka Wadamada Bariga iyo Galbeedka Afrika Kenya jooga. Mr Dhakaar. Arab
Ergeyga wada-hadalada Soomaaliya. Arab
Safiirka Belgium. Habar Yoonis

Comments are closed