Uncategorized

Safiirkii Soomaaliya ee dalka Kenya oo shaqadii dib u bilaabay xili Kenya ay Xafiisyo ka furaneyso Kismaayo iyo Hargeysa

Nairobi May 14, 2014(SDN/QJ)-Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa mar qura hawshiisii dib uga bilaabay magaalada Nairobi iyada oo aan wax xal ah laga gaarin fadaxadii ka dhalatay xarigii loo geystay qunsulkii Soomaaliya ee Nairobi.

Dawlada Soomaaliya ayaa dawlada Kenya ka dalbatay in ay raali gelin ka bixiso xariga qunsulka isla markaana dalbatay in sharaxaad laga bixiyo sababta uu qunsulku saacadaha badan xabsiga ugu jiray.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi ayaa ka hadlay in dawlada Kenya ay xafiisyo ka furaneyso magaalooyinka Kismaayo iyo Hargeysa.

“Dawlada Kenya waxa ay xafiis ka furan kartaa magaalada ay doonto,laakiin waa in ay dawlada Soomaaliya soo martaa”.

Xiriirka dawladaha Soomaaliya iyo Kenya Ayaan wanaagsaneyn intii ka danbeysay ololohii  ciidamada Kenya ay ku bartilmaansadeen Soomaalida dalkooda ku nool.

SDN/QJ-Nairobi

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com