Minneapolis May 14,2014(SDN/QJ)-Ilmo yar oo 11 bilood jira ayaa magaalada Minneapolis waxa uu ka soo dhacay dabaqa 11naad daar ku taal xaafada Cedar-Riverside ee magaaladaasi.
Ilmaha yar oo ka badbaaday soo dhicitaanka ayaa waxa haatan lagu daaweynayaa cusbitaalka Hennepin County.
Aritan oo noqotay ta ugu hadal heynta magaalada Minneapolis ayaa waxa aad looga mahad celiyay in eebe ilmahan uu naftiisa badbaadiyay.
Waalidka ilmahan yare e daarta ka soo dhacay ayaa bulshada reer Minneapolis ka dalbaday in ay u duceeyaan ilmaha yar.
SDN/QJ-Minneapolis
contact@qurbejoog,com
contact@somaliadiasporanews.com
