|

‘’Salaadiin ayaa Kaanbaynaro noqday Markaa Muuse Iyo Cirro hadii ay Waayaan ma Xakamayn karaan Beelahooda Aniga Beeshaydii Waa La Boobay’’ Gudoomiye Faysal DAAWO

Hargaysa 18. October 2017 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna Murashaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Labada Murashax ee Xisbiyadda Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ay Majare habaabiyeen Tartankii Doorashadda Isla markaana ay adeegsadeen Sidii ay Madax dhaqameedkoodu Taageero ugu raadin lahaayeen Waxaanu xusay in Marka ay soo baxdo Natiijada doorashadu aanay xakamayn Karin Taageerayaashooda Maadaama Miinooyinkii ay xidheen ay qarax ku dhow yihiin.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay oo kale in Madax dhaqameedkii Beeshiisa la dareersaday.

Comments are closed