|

Salaadiinta Iyo Madax Dhaqmeedka Gobolka Maroodi Jeex Oo Ka Biyo Diiday Banka Qool-Caday Go’aamo Adagna Kasoo Saaray

13
Hargaysa 31 july 2014 (SDN/QJ)- Madax Dhaqameed Ka soo jeeda gobolka maroodijeex kala ahna Suldaan Cali Baane,Caaqil Aabi,Caaqil Maxamed Weerar, Caqil Cabdi Jaamac  Iyo Odayaasha Degan Deegaanka Banka Qool-caday Ayaa Maanta Si Wada Jir Shir Jara’id Ugu Qabtay Hotel Baane Ee Magaalada Hargaysa,Ku Dhaleceeyey Sida ay wasaarada xanaanada xoolaha somaliland u maamushay banka qool-caday
Shirkan jaraa’id ayaa ugu horayntii waxa furay suldaan cali baane waxaanu sheegay in ay ka soo hor jeedaan mashruuca seeraha qool-caday waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan  “ dadkan halkan fadhiyaa waa dadkii banka ka talinaayay iyo dano badan oo ay beeshu leedahayba ,Dunidu waxa cayda la yidhaa ma wanaagsana

cidna in la caayo looma baahna danteena ayaynu ka hadlaynaa, banka in lanaga oodo oo lanaga xidho dantayadii wuu noqon waayay hadalku markuu soo uruuro kaas ayuunbuu ku saab-sanyahay waxa kale oo jiraa oo runtii ah dunidu waa deegaan oo waa la dagay waddanka Somaliland nabad-galyo ayuu ku noolyahay oo uu ku wanaag sanyahay oo aynu ku nimcaysanahay dadkana taa-taabashada ha la iska daayo nin waliba guriga uu  yaallo ha iska yaalle sidaasay danta dalkeenuna ku saleesantahay oo ay sax ku tahay
Suldaan Cali Baane ayaa xusay in lacagta ay mashruucani ku baxayso  aanay ahayn mid ay dawladdu bixinayso balse ay tahay mid haay’ado bixinayaan isla markaana loo baahanyahay ayuu yidhi suldaanku in lacagtaas si kale loogu faa’ideeyo dadka ku dhaqan banka qool-caday isagoo umuurahana ka hadlayaana waxaa uu yidhi suldaanku “ waxaa la ii sheegay in aanay lacagtani ahayn lacag dawladeed balse ay dawlado kale oo ajaanibi inagu caawiyeen lacagta haddi la nagu caawiyay oo ay caawimo ahayd oo la yidhi qoolcaday ayaa lehe ha la siiyo waanu u baahanahay lacagta waanu u baahanahay laakin wixii aanu ugu baahanahay ha la na waydiiyo ee lanoo galinayo taasaanu u baahanahay

 

4 2

Suldaanka ayaa carabka ku adkeeyay sida dadka deegaankaasi ugu baahanyihiin mashaarici horumarineed sida riigag loo qodo deeganadaasi iyo dhismaha goobo waxbarasho “ Banka ayaanu xidhayna uun ha noola imaninee baahidayadu way ka badantahay intan riigagba lanoo qodi karaa 10,000 ee qoys wax yar ayaa  wax karsada way wada masaarif la yihiin wax ha laga siiyo lacagta, waddo ayaa dhismaheedu socda oo iyaduna  wax u baahan, in riigag lonoogu sameeyo beeraha ayaanu sheegan karnaa iskuulo iyo jaamacaddo in lanoo sameeyo ayaanu u baahanahay oo aanu sheegan karana  waxaanu u baahanahay in aanu biyo helno waxaanu leenahay waar de waxaad doontaan maahe ninki wax na siinayo waxaanu u baahanahay ha lanoogu qabto oo dhexda ha noo joogsanina hadaad tihiin qolada lacagta gacanta ku haysaa dadku waxay doonaya ha loo qabto “

suldaanka ayaa isagoo ka hadlayaa banka qoolcaday ayaa waxaa uu tilmaamay in banka qoolcaday ay ka faa’idaystaan dad kala duwan oo ka yimaada galbeedka  hawdka iyo bariga Somaliland xilliyada abaarta  waxaanu yidhi “  Bankan yar ka awdal jooga kolka uu doog ka baxo wuu yimaada ka xeebta joogaana wuu yimaada oo kama xidhnaa wixii oodwayne ka sokeeya iyo kuwa ethopia joogaa intuba way yimaadaan oo kama xidhnaa wax maanta u banaan umadda wayn ee Somaliland la yidhaahdo war bal halkaa inagu hagaajiyaa intaasaa jirta . dhulkii bari hore aya la qeybsaday oo lagu kala tagay intan yar dadkaanu u heynaa annagu ma heysanee annagu deegaan ayunbaanu u nahee dadka ayunbaanu u heynaa bal kaalaya immika u sahan tagaa lo’da joogta halka ay ka timmi borama way ka shisheesa bal xoolaha jooga soo eega xeebta ayay ka yimaadeen  waxaanu leenahay waar meeshi yarayd ee umadda ilaahay haddi ilaahay wax ka saaro cidi gooni uma cuntee dadkoo dhan ayaa wada cunaa somalialnd oo dhan ayaa isugu timaada waxaanu leenahy ciddi hawsha gacanta ku heysaaay muraadkayga iyo waxaanu u baahanahay waanu garanynaaye ha lanoo baddalo haddi kalena awalba waanu nooleene banna xidhi maynee lacagtiina iska qaata oo iska heystaa “ Ayuu Ku Soo Gabogabeeyay Hadalkiisa Suldaan Cali Baane Oo Meel Adag Iska Taagay Mashruuca Seeraha Qoolcaday .

Geesta kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay cuqaal  iyo odayasha deegaanka waxaani iska daba mareen sida ay uga soo hor jeedaa mashruucani iyagoo ku tilmamaay mid dad gaara ay ka faa’idaysanayaan isla markana anay marnaba aqbali doonin iyagoo dawladda ugu baaqay in ay faraha kala baxdo banka qoolcaday isla markaana haddi ay dadka wax u qabanayaan ay u qabta waxaa ay  u baahanyihiin.

Caaqil aabi iyo caaqil maxamed weerar oo iyaguna  shirka ajaraa’id ka hadlaya ayaa sheegay in dhulka banka qoocaday uu cidhiidhi ku yahay dadka deegaankaasi iyagoo carabka ku dhuftay in talada reerka iyo deeganaka aan waxba laga waydiin oo laga laliyay .

Waxa ay sidoo kale cuqaashu tibaaxeen in banka qoolcaday ay yaalaan dad deegan ah oo aan ka kici kareen maadaama ba yidhaahdeen ay ku leeyihiin beero iyo baraago .

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Oday Maxamed Diiriye Cige ( Daarood)  oo ka mida odayaasha muddada dheer deggena banka qoolcaday waxaanu sheegay in dad aad u badani oo deegan ahi ay yaalaan banka isla markaana ay ku adkaatay in ay aqbalaan in dhulkooda loo xidho dad gaara ah .

Oday daarood ayaa ugu danbeenti xukuumadda ugu baaqay in ay hoos eegaan arrintani talaabana ka qaadaan .

Gabogabadi waxaa isna halkaasi ka hadlay maayerkii hore ee salaxley C/Rashiid Macalin Muuse waxaana uu sheegay in talaabo khaldan loo maray mashruucani isagoo sheegay in ay kala horeeyaan banka waa la xidhayaa iyo side loo jiheenayaa dadka deggen isla markaaana ay muhiim ahayd side dadkan meesha deggen loo jiheen lahaa  .

Maayerki hore ee degamda salaxley ayaa hoosta ka xariiqay sida maanta dhulka Somaliland loo ootay ee aanay jirin meel la dago waxanu tilmaamay in maanta dadka degen banka qoolcaday aanay helayn meel ay u guuraan haddi laga raro banka .

Waxaa sido kale carabka ku adkeeyay in aanay talaabadan lagu xidhayo banku aanay ahayn mid saxan isagoo meesha ka saaray hadalo dhawaan ka soo baxayay masuliyin ka tirsan xukuumada oo ahaa in Boqor Raabi uu aburayo maleeshiyaad waxaanu nasiib darro ku tilmaamay goorta uu muwaadiniinta  xoola dhaqatada ahi  ee dhulkooda  iyo xoolahooda  ilaashanayaa  ay noqdeen  maleeshiyaad  waxaana uu soo jeediyay  in raali galin laga bixiyo aflagaadaada loo jeediyay Boqor Raabi  iyo muwaadiniinta ku dhaqan banka qoolcaday .

Hargeisa SDN/QJ

Maxamed Aadan Qurbe Jog
Concat@somalidiasporanews.com

Comments are closed