|

Saleebaan Gaal oo la filayo in Guurtida uu hor geeyo xeerarkii uu Wakiilada ku celiyay

Hargeysa. 28 September, 2022. (QJ)- Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa la sheegay in uu aqbalay in Golaha Guurtida uu hor geeyo labadii xeer ee ay ansixiyeen Golaha Wakiilada Somaliland, kuwaas oo hore uu isagu dib ugu celiyay Wakiilada balse uu ka diiday Cabdirisaaq Khaliif.

Xogo ay heshay warbaahinta Qurbejoog waxay sheegayaan in maalinta Sabtida oo markii hore la filayay in muddo kordhinta xukuumadda Biixi la hor keeno in loo bedeli doono labada xeer ee doorashooyinka in la hor keeno Golaha Guurtida. Waxaan la ogayn waxa iska bedelaya qorshaha Saleebaan Gaal iyadoo ay suurtagal tahay in Golaha uu muddo kordhinta hor keeno Sabtida, taas oo khilaaf hor leh sii kicin doonta.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa shalay warqad uu u diray Saleebaan Gaal wuxuu kaga codsaday in uu Golaha hor dhigo labada xeer ee 14 iyo 91 ee doorashooyinka oo kaabis iyo wax ka bedel ay ku sameeyeen Golaha Wakiilada Somaliland.

Khilaafka Somaliland ka taagan ayay ka digayaan khubaradu iyadoo laga cabsi qabo iska hor iamado ka dhasha oo god madaw ku ridi kara mustaqalka Somaliland.

Comments are closed