|

Xogta muranka ka taagan Suuqa Waaheen ee Hargeysa

Hargeysa. 28 September, 2022. (QJ)- Muran xoogan ayaa ka taagan suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa halkaas oo la rabo in dib u dhis lagu sameeyo, iyadoo aan lagu heshiis ahayn qaabka uu noqonayo.

Nashqadda ay soo saartay Gudida Dib-u-dhiska Waaheen ayaa keentay muran xoogan iyo in diidmo ay muujiyaan shacaka hantiilayaasha ah ee iska lahaa badi suuqa Waaheen.

Maanta ayay dibad bax sameeyeen qaar ka mid ah hantiilayaasha dhulka suuqu iyadoo qaarkood xabsiga loo taxaabay waxaana ka mid ahaa dad ay hayb ahaan is xigaan maayirka Hargeysa.

MAXAY DADKU DIIDAN YIHIIN

Dadka hantiilayaasha ah ee iska leh suuqa Waaheen dhulka iyo dhismaha uu ku fadhiyay waxay u badan yihiin dad kasoo jeeda Hargeysa ama beesha Maayirka Caasimadda waxayna muddooyinkii danbe wadeen in ay masuuliyiinta wada hawlaha dib u dhiska ku qanciyaan sida ay rabaan iyo khaladaadka nashqadda ku jira.

Diidmada dadka ayaa ku qotonta in aan dhismayaasha la dumin illaa heshiis laga gaadhayo nashqadda, qaybta laga jarayo dhulkooda ee wadada iyo sallaanka laga dhigayo oo aan weli laga heshiin iyana iyo ugu danayn nashqadda daaqyada ah oo si waafi ah aan la iskula eegin.

Hantiilayaashu waxay dalbanayaan in madmadawga meesha laga saaro oo wax kasta laga dhigo mid daah furan oo laga doodo ka hor inta aan dhisme la bilaabin.

Comments are closed