Haweeneyda carmasha cad ee Samantha Lewthwaite ayaa la sheegay in ay ka mid noqotay hogaamiyaasha ururka Alshabaab.
Muqdisho 20.May 2015 (SDN/QJ)- Sida uu daabacay wargeyska Telegraph haweeneydan ayaa waxa ay ku lug lahayd dilka 400 oo ruux oo ay ka mid ahaayeen 148 lagu diley Jaamacada ku taal dalka Kenya.
Wargeyska oo soo xiganayay sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka dalka Soomaaliya ayaa sheegay in haweeneydan ay haatan u tahay gacan yare hogaamiyaha ururka Alshabaab.
Sarkaalka sirdoonka ah ayaa sheegay in haweeneyda Britishka ah ay hogaamiye ka ahayd qorsheynta weeraro lagu qaaday dalka Kenya iyo gudaha Soomaaliya.
Haweeneydan Britishka ah ayaa waxa ay ka soo qalin jebisay jaamacada caanka ah ee London University waxana ay ka mid tahay dadka sida aadka ah uu u aaminsan yahay hogaamiyaha Alshabaab Axmed Cumar waxana ay xidhiidhiye ka tahay sida ay daabacday Mirror weeraro is qarxin, bam lagu xidhey baabuurta ee gudaha Soomaaliya iyo Kenyaba.
Samantha ayaa asal ahaan waxa ay ka soo jeedaa Aylesbury, Buckinghamshire, waxana la rumeysan yahay inay masuul ka tahay qorista dhalinyaro gaar ahaan haweenka kuwaasoo ismiidaamiya.
Wargeyska Mirror ayaa intaa ku daray in ay jiraan warar la isla dhex marayo oo sheegaya in haweeneydan ay muuqaalkeeda ku bedeshay qalliin ay isku sameysay. Waxaana warqad soo qabasho ah soo saaray hayada booliska adduunka ee Interpol, waxana laga raadinayaa haweeneydan illaa iyo 200 oo dal oo caalamka ka mid ah.
