Muqdisho April 03 2013 (SDN)— Kooxo hubeysan ayaa Galabtay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad Sugida dowladda Soomaaliya waxa ay ku dileen Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Qurbajoog.net in labo Nin oo hubeysan ay Farmashiye kuyaalla Isoogska Banaadir ee Magaalada Muqdisho galabta ku dileen Cawil Xasan Max’ed oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugida dowlada Soomaaliya.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday waxaana la sheegay meydka Sarkaalkaasi la dhigay Isbitalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Markii dilku dhacay kaddib ayaa waxaa goobta soo buuxdhaafiyay Ciidamada dowladda kuwaasi oo isku socodka xiray mudo kooban.
Majirto cid sheegatay mas’uuliyada falkaasi lagu dilay sarkaalkan ka tirsanaa Ciidamada Nabad Sugida dowladda hase ahaatee waxa uu qeyb ka yahay dilaka baryihii danbe ka dhacayay Muqdisho.
SDN-Muqdisho
