Uncategorized

Saraakiil dowladda Turkiga ka socota oo maanta la kulmay saraakiil Soomaali ah

Muqdisho Feb 16 2013 (SDN)— Saraakiil ciidan oo ka socotay dowladda turkiga oo maalmahanba ku sugnaa Magaalada Mugdisho ayaa maanta la kulmay saraakiisha ugu sareyso ciidamada militariga soomaaliya . 

Kulanka oo uu goob joog ka ahaa wasiirka gaashaandhiga soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud fiqi ayaa markii uu soo idlaaday waxa ka warbixiyay wsiirka gashandhiga soomaaliya . 

Wasiirka ayaa sheegay inay saraakiisha ladaba dhinac ay ka wada hadleeyn dib u dhiska ciidamada dowlada iyo qalabeyntooda iyo sidoo kale dhismaha xeryaha ciidamada milatariga soomaaliya layskuna afgartay. 

Wasiirka ayaa tilmaamay in saraakiisha turkiga ahi oo uu hoogaminayay Madaxa tababarada ciidamada booqashadoodaan ay u soo gaba gabowaday waxaana uu hoosta ka xariiqay inay beri dib ay ugu laaban doonaan dalka turkiga. 

Saraakisha milatari ee goob jooga ka ahaa kulanka waxaa ka mid ah abaanduulaha ciidamada milatariga soomaaliya Jenaral Cabdi kariin yuusuf Aadan dhaga badan,Jeneraal cali caraaye cosoble gacmaduule taliyaha howlgalada ciidamada, taliyha Saadka kornel C/laahi macalin nuur iyo saraakiil kalesarsare oo katirsan milatariga soomaaliya. 

Kulankan ayaa ka dambeeyay kadib hashiiski laba geesoodka ahaa ee dhax maray dowladaha soomaaliya iyo turkiga. 

SDN-Muqdisho