Uncategorized

Idaacadii Weynayd ee Radio Hargaysa oo baahintii Duhurnimo ee Maanta Hawada ka Maqnayd

Hargaysa 16.Feb (SDN) War laliyihii Weynaa ee  Idaacada  Radio Hargaysa ayaa baahintii Duhurnimo ee Soo gasha Maalin Walba 1:00pm Waxa uu Maanta ka Maqnaa  Hawada .

Sababta baajisay Dhagaysiga War laliyaha Radio Hargaysa ayaa Mas’uuliyiinta Wasaarada Warfaafintu ku Sheegeen Mishiinka Dab dhaliyaha ah ee Idaacada oo Ciladi la soo deristay isla markaana ay ka baqeen inuu Waxyeelo gaadhsiiyo Idaacada Weyn ,Warku wuxuu intaas ku darayaa in baahintii duhurnimo ee Radio hargaysa laga dhagaysanayay oo keliya Warlaliyaha FM-ta oo ku kooban Hargaysa .

Hasa yeeshee Baahintii Galabnimo oo Soo Gasha Lixda Maqribnimo ayaa War laliyaha Weyn si Toos ah loo sii daayay,kadib markii Sida  la sheegay   Ciladii laga saaray .

Si kastaba ha ahaatee Ma aha Markii kowaad ee Ciladi ku Timaado Mishiinada dabka ee Idaacada Radio Hargaysa oo dadka u Xog ogaalka ahi Sheegaan in ay yihiin Kuwo duugoobay oo aan iska Xejin karin Saacadaha badan ee ay Idaacadu hawada ku jirto.

Hargaysa SDN.