Uncategorized

Sawir-gacmeed Ka Hadlaya Xaaladda Madaxweyne Siilaanyo uu Ku Sugan Yahay Oo La Sameeyey Iyo Dareenka Madaxtooyada

Otowa:Nov,18,2014(SDN/QJ)-Ninka Caanka ku ah Sawirrada Xikmadda iyo macnaha badan Muujinaya eek a Turjumaya xaaladda ee Amin Arts, ayaa Sawir aad xajiib u ah ka sameeyey Madaxweyne Siilaanyo iyo xaaladda siyaasadeed uu haatan ku jiro.

artAmiin Arts, ayaa sawirkan ku muujiyey Madaxweyne Siilaanyo oo Niyad jabsan, isla-markaana muujinaya in aanu oolin rabitaan ay shacabku u hayaan, iyadoo uu dhinaca kale ka taagan yahay Wasiir Xirsi oo Hadallo Beer-laxawsi iyo niyad-dhis ah u  samaynaya madaxweynaha.

Sawirkan, ayaa noqday Mid aad loo akhriyo iyadoo shacabku ka Bixiyeen aragtiyo kala duwan oo u badan inuu Madaxweynuhu u muuqdo mid xaaladda haatan taagan wax badan ka Akhriyey.

Hore waxa uu Aamiin Arts ka sameeyey  madaxweyne Siilaanyo, waxana marwalba aan sawirradaas ka maqnaanin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo la ogyahay inuu Yahay xubinta ka dambaysa Tallaabooyinka uu  Madaxweynuhu qaado oo ay ugu dambaysay Tallaabadii dhawaan Xukuumaddu kula wareegtay Golaha Wakiillada oo keentay dhimasho iyo dhaawac ku Yimi shacab aan waxba galabsan.

Sawirkan ayaa noqday Mid si weyn looga akhriyey Gebi ahaanba somaliland, waxana shacabku ay ka bixinayaan Aragtiyo kala duwan oo ka  hadlay Xaaladda uu ka Turjumayo oo dad badani aaminsan yihiin inuu xaqiiq yahay.

Sawirkan ayaa sidoo kale ka cadhaysiiyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Kooxdiisa ku xeeran, waxana wararku sheegayaan in Haweenayda Madaxweyne Siilaanyo si gaar ah uga cadhootay Qaabka uu Artis-ku u dhigay Rajada madaxweynaha.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com