|

SAWIRRO: Ha’yadda Save the Children oo sheegtay in 51% gabdhaha ku nool Puntland helin waxbarasho

Garowe, 4,5,2016 (QJ/SDN) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camay ayaa maanta ka qayb galay munaasabad looga hadlayey waxbarashada gabdhaha iyo gudniinka fircooniga ah oo ay soo qaban qaabisay Ha’yadda Save the Children.

Waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiiradda Haweenka iyo waxbarashada, masuuliyiin ka socday wasaaradda Cadaalada iyo Ha’yadda Save the children.

Munaasabadda ayaa looga hadlay waxbarashada Carruurta iyo gudniinka fircooniga ah, waxaana intaysan bilaabin Carruur lagu caasumay Musaabadda la weydiiyey waxay rabaan inay noqdaan Mustaqbal, waxaa sidoo kale loo qabtay tar tan loogu qabiyey sadex iskuul, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaana gudoonsiiyey abaal marino ay Ha’yadda Save the Children ugu talo gashay Carruurta.

Munaasabadda oo ahayd mashruuc Ha’yadda Save the Childaren ugu talo gashay in lagu dagaalamo waxbarasho la’aanat Carruurta ayaa socon doona muda sadex sano ah.

Ha’yadda Save ayaa sheegtay in ka badan 51% gabdhaha gaaray da’da waxbarashada oo ku nool Puntland inaysan helin waxbarasho, waxayna Ha’yaddu sabab uga dhigtay inay yar yihiin fursadaha waxbarasho iyo waalidka oo kala doorta waxbarashada gabdhaha iyo wiilasha.

Sidoo kale Ha’yadda ayaa xustay in dalka Soomaaliya uu yahay wadanka ugu badan ee laga sameeyo gudniinka gabdhaha Caalamka, 98% Haweenka Soomaaliyeed waxaa loo gudaa gudniinka fircooniga ah, 45% gabdhaha Soomaaliya ayaa la guursada iyagoo ka yar 18 sano, siday sheegtay Ha’yaddu.

Ku simaha madaxa Ha’yadda Save the Children ee Soomaaliya Ian Vale ayaa yiri “in la gaaro ilmo kasta oo aan helin adeegyada nololeed ee asaasiga ah waa hadaf laga miro dhalin karo, wuxuuna sidoo kale yiri wiilkayga iyo gabadhayda waxaan u samayn doona waxkasta oo ay xaq u leeyihiin, si ay u helaan nolosha ugu fiican ee suuro gal ka ah”.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Ow-yusuf Ciise oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in wasaaradda waxbarasahada ka go’an tahay sidii gabdhaha ku nool deegaanada Puntland ku heli lahaayeen waxbarasho dhamaystiran, isagoo tilmaamay inay tahay masuuliyad saaran.

Anisa Xaaji Muumin wasiirka Haweenka iyo arimaha bulshada Puntland ayaa ugu baaqday dhamaan bulshada reer Puntland iyo Siyaasiyiinta inay ka qayb qaadaan joojinta gudniinka fircooniga ah, islamarkaana ay garab siiyaan waxbarashada gabdhaha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji oo munaasabadda daah furay ayaa sheegay in waxbarashada gabdhuhu ay faa’iido u leedahay bulshada, gabadhuna tahay miro soo baxaya, oo goortay bislaadaan la gurto.

Wuxuu tilmaamay in haweenku maanta intooda badan ay masuliyadda qoysaska badan iyagu hayaan, Ha’yadda Save the Children ayuuna ku amaanay barnaamijkan ay kaga hadlayso waxbarashada gabdhaha iyo gudniinka fircooniga ah.

Sawirro.
S

IMG_9363

IMG_9378

IMG_9390

IMG_9391

IMG_9396

IMG_9397

IMG_9401

IMG_9403

IMG_9404

IMG_9410

IMG_9418

IMG_9445

IMG_9457

IMG_9463

IMG_9465

IMG_9479

IMG_9582

IMG_9598

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

S

Il-wareedka: PuntlandToday

Comments are closed