|

SAWIRRO: Qarax dad badan ay ku dhinteen oo saaka ka dhacay Duleedka Muqdisho

Muqdisho,30,6,2016 (QJ/SDN) – Waxaa saaka qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay ay la kacday gaadhi BL ah ay saarnaayeen dad shacab ah , qaraxan ayaana ka dhacay Deegaanka Lafoole ee kuyaala Duleedka magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay 12-qof oo kamid ahaa rakaabkii gaadhigaasi saarnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sadex qof oo kale kuwaa oo dhawaacyo culus qaba loona soo qaaday magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku heleyno dadka dhintay waxaa ku jiray Aabe iyo labo caruur ah uu dhalay oo kamid ahaa rakaabkii saarnaa gaadhiga qaraxu haleelay, waxaana dadka dhintay badankood la sheegay in uu jirkooda uu go’go’ay.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Lafoole ayaa u gurmaday gaadhiga uu qaraxu haleelay, waxa ayna ku guuleysteen in dadka dhaawaca ah ay gaadhi usoo saaraan Isbitaalo kuyaala magaalada Muqdisho si loo bad baadiyo.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ka muuqatay argagax badan , waxaan halkaasi yaalay hilbaha dadka dhintay iyo dhiig badan, waxaana la arkayay dad badan oo iska ilmeeyay kadib markii ay arkeen mashaqada goobtaasi ka dhacday.





Comments are closed