|

SHEEKH BASHIIR: “Sharcigan hadda kuma qorna [in raggu is guursan karaan] balse heshiisyada la saxeexi rabo ayay ku qorantahay”

sheekh bashiir salaad

Muqdisho,30,6,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Bashiir Salaad oo ka mid ah hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in sharciga siyaasadda Jinsiga ee Soomaaliya aanay ku qorneen in raggu is guursadaan, balse heshiisyada ku hoos jira sharcigan ee dowladda Somalia doonayso in ay saxeexdo ayaa uu sheegay in ay ku jirto arrintaasi.

Sheekh Bashiir Salaad oo ka mid ahaa culimo maalinkii shalay [Doraad] ku qabatay magaalada Muqdisho shir jaraa’id oo ay kaga soo horjeedaan sharciga siyaasadda jinsiga ee Somalia ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in dowladda Somalia doonayso in la joojiyo guud ahaan Gudniinka gabdhaha [Fircooni iyo Sunniba].

“Sharcigan hadda kuma qorna [in raggu is guursan karaan] balse heshiisyada ay leeyihiin hala saxeexo ayay ku qorantahay … booskii kelimada jinsiga la odhan jiray ama sex la odhan jiray ayaa lagu badalay gender, maxaa yeelay haddii jinsi la yidhaahdo waa rag iyo dumar laakiin gender waa nooc markaa nooca waxa soo hoos galaaya wixii aan rag toosa ahayn dumar toos ahna aan ahayn, oo dumarka xumaada iyo raga xumaada ayaa soo galaaya, in xorriyada guurka iyo xorriyada sinadiyo waxaas oo dhanba waa xorriyadaha ay leeyihiin xuquuqul iinsaan weeye” ayuu yidhi Sheekh Bashiir Salaad

“Culimadu way dadaaleen oo waa la dagaalameen gudniinka fircoonig ah markaa illeen meesha loo socdaa fircooniga ma ahee illeen waaba gudniinka Sunniga ah markaa in danbi laga dhigo gudniinka sunniga ah oo qofkii sameeyaa la yidhaahdo waa danbiile ayaa ku taalla buuggan waxaana codsanaysa wasaaradda haweenka” ayuu markale yidhi Sheekh Bashiir Salaad.

Sidoo kale, Sheekh Bashiir Salaad ayaa waxa uu sheegay in AMISOM ay ku lug leedahay hawl-galinta arrintani isla markaana ay door muuqda ku leeeyihiin waaxda arrimaha bulshada ee AMISOM.

Halkan Guji Oo Ka Dhagayso Wareysi Lala Yeeshay Sheekh Bashiir

Comments are closed