|

Shirka Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Khamiista Berri Oo La Horkeenayo Go’aan Ka Gaadhista Sii Wadista Wada-Hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Turkiga

Hargeysa, 3,8,2016 (QJ/SDN) – Shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirradu ay khamiis kasta u fadhiistaan ayaa lagu wadaa in khamiistan berri ah la horkeeno ajande la xidhiidha go’aan ka gaadhista sii wadisa ama joojinta wada hadallada ay Somaliland iyo Soomaaliya ku jiraan ee uu Turkigu gogosha u dhigay.

Sida uu Geeska Afrika u xaqiijiyey wasiirka gaashaandhigga Somaliland Mudane, Axmed Xaaji Cali (Cadami), wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa diyaarisay soo jeedin ay golaha wasiirrada ku horkeenayso in ay go’aan ka gaadhaan arrintan, oo muddooyinkii u dambeeyey ahayd mawduuca siyasiga ah ee loogu hadal haynta badan yahay Somaliland, kadib markii dhowaan uu danjiraha dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya hadal uu warbaahinta siiyey ku sheegay in dalkiisu uu ka shaqaynayo midnimada Soomaliya, isku midna u arko Soomaalida joogta Somaliland iyo Soomaalida Soomaaliya, “Hadalkaas ka soo baxay safiirka Turkiga maaha hadal laga dulqaato wax laga aamusana maaha, waana laga tashanayaa” ayaa uu yidhi wasiir Cadami.

Iyada oo ay maalmihii u dambeeyey soo baxayeen warar sheegaya in xukuumadda Somaliland waddo dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha sidii ay aragti miisaan leh uga qaadan lahayd dhowr qodob oo saamaynaya xidhiidhka Turkiga iyo Somaliland, kuwaas oo uu ka mid yahay in ay jawaab rasmi ah ka bixiso dalabkii hore uu qunsulka Somaliland u jooga Turkigu kaga codsaday Somaliland in ay albaabada u laabto dugsiyada waxbarasho ee Nile Academy oo uu leeyahay wadaadka Faxallaah Gulen ee dawladda Turkigu ku eedaynayso in uu isagu ka dambeeyey afgembigii dhowaan fashilmay, taas oo ay hore wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland si dadban u muujisay in aanay xidhayn dugsigaas, balse mar dambe uu wasiirka arrimaha dibaddu sheegay in ay ku eegi doonaan sharciga dalka. Waxa kale oo xukuumadda laga filayaa in ay jawaab ka soo saari doonto hadalka xaalka sii xumeeyey ee danjiraha Turkiga u fadhiya Muqdisho uu isaga oo si dadban ugu jawaabaya qunsulkiisa Hargeysa sheegay in baasaboorka Somaliland ay u arkaan in uu yahay warqad aqoonsi uun, waxaa iyaduna la filayaa in golaha wasiirradu uu go’aan rasmi ah ka gaadho sii wadista wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee gogoshooda ay bixisay dawladda Turkigu, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey, siyaasiyiin miisaan leh, masuuliyiinta xisbiyada, xildhibaanno iyo xubno xukuumada ka tirsaniba si isku mid ah ugu talinayeen in dib loo eego dhex-dhexaadnimada Turkiga iyo gogosha uu siiyo wada hadallada, “Wasaarada arimaha dibada ayaa wada arinkaas waxaana la filayaa in Khamiista haddii alle idmo golaha wasiirrada la horkeeno, ee wixii laga gaadho ayeynu eegi doonaa.” ayaa uu yidhi wasiir Cadami.

Comments are closed