Waxaan doonayaa inaan qoraal kooban kaga hadlo ,
Hadaladii xanafta iyo xajiinta lahaa ee kasoo yeedhay qaarkamida odayaashii ka qabgalay furitaankii waddada cad dinaca Ina guuxaa maalintii Axadii ee 16-kii November.
Waa wax laga xishoodo in duqay waaweyn oo madax dhaqameed, xildibaano iyo odayaal sheeganayaa ay ku hadlaan wax yaabihii ay kaga hadleen warbaahinta.
Khaasatan xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo sheegay in beelaha Garxajis ay wax kala tirsanayaa taas oo ah mid xaqiiqada aad uga fog waxna aanay kajirin. Hadalada deel qaafka ah ee xajiimaysan waxay gaar uyihiin isaga.
SED YAROON BADNAYN BAA KHALQIGA SEEGEY MARINKII,
Badkani wuxuu ka mid ahaa gabay uu tiriyay Dheeg berigii uu abwaanka ahaa, Waxaadse moodaa inuu imika isaga sifaynayo.
Madaxweyne Siilaanyo iyo guulwadihiisii wehelinaayay (GACAN KU DHIIGLE INA WARAN CADE) waxay wadeen fidno iyo iska horkeen ummada reer Somaliland khaasatan beelaha Garxajis. Iyagoo shicibkii ay utalinayeen ee ay u dhaarteen xabad ladhacay oo Burco iyo Ceerigaabo-ba ku laayay, ayay isla maalintii ku xigtayna u tafaxayteen inay ummada walaalaha ah dab kadhex shidaan, waase lagu gartay. Waxaan leeyahay OGOW DHUUMASHADA QAAR UU DHABARKU MUUQDAA WAA DHIB IYO HADIMEE.
Waxaan Boqor Raabi Yuusuf ku bogaadinayaa oon ku hambalyanayaa sidii fiicnayd ee uu uga jawaabay arintan aan kor kusoo xusay, waxaan leeyahay mahadsanid.
Wabillaahi tawfiiq.
Allah Mahadleh
Mohamed A Mohamoud
malimohamoud@aol.co.uk
