Muqdisho:Jan,23,2015(SDN/QJ)-Shaki badan ayey madaxtooyada Somalia ka qaadday Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Hutel SYL ee duleedka Aqalka Madaxtooyada, waxana la bilaabay baadhitaano arrintaas lagu hubinayo.
Wararka aanu hayno, ayaa sheegaya in la xidhay dhammaan saraakiishii saacadihii qaraxu dhacayey iyo ka horba masuulka ka ahaa Ammaanka Hutelka, waxana sidoo kale socda Baadhitaanno lagu hayo xubno xukuumadda ka tirsan iyo Ciidamo bolis ahba.
Weerarkan oo u muuqday mid xidhiidh la lahaa xubno ammaanka qaabilsan, ayaa waxa uu madaxtooyada dhexdeeda ka dhaliyey shaki badan oo laga muujiyey in xubno ammaanka qaabilsani ay ku lug lahaayeen weerarkaas, maadaama si adag ammaanka caasimadda loo adkeeyey, isla-markaana Hutelka la qarxiyey uu ahaa goobihii waftiga madaxweynaha loo sii qorsheeyey.
Madaxweyne Xasan sheikh ayaa lugihiisa ku tegay Goobtii qaraxu ka dhacay, waxana uu saraakiisha ammaanka faray inay baadhitaan dheer sameeyaan, si loo ogaado qaabka weerarkaasi loosoo abaaulay.
Dhinaca kale bur bur xoogan ayaa soo gaadhay afaafka hore ee Hotelka,waxaana durba bilowday dayactir lagu sameeyay goobihii waxyeelada ay ka soo gaadhay.
SDN/QJ
