|

Shalay: Garsoorka, Saxaafadda Iyo Maalintii 3aad Ee Tooshka Carwadda Caalamiga Ah Ee Buuggaagta

Hargaysa 27.July 2016 (SDN/QJ):- Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa oo shalay galay maalintiisii afraad, Waxaana lagaga hadlay qodobo ay ka mid  ahaayeen doorka Bahda Caddaaladu ku leeyihiin horumarinta, hoggaaminta, Saxaafadda, isla markaana waxa bandhiga ka qayb qaatay  martida sanadkan oo ah Dalka Ghana iyo ka qaybgalayaal kale.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee SomalilandGudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali khudbad  uu ka jeediyey Bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa shalay oo ahayd maalintii sadexaad waxa uu faahfaahin kaga bixiyey doorka hoggaaminta hay’addaha  cadaaladda iyo dib u habaynta ay ku sameeyeen.

Gudoomiye Aadan ayaa waxa uu xusay inay maamul daadajin u sameeyeen bahda garsoorka, isla markaana gaadhsiiyeen gobolada dalka si dadka aan soo gaadhi karayn caasimadu ay magaalooyinkooda ugu helaan. Gudoomiyaha ayaa  waxa uu xusay inay wax ka qabteen dadkii laaluushka qaadan jiray iyo kuwiii  bixin jiray oo ay dabo  gal ku sameeyeen, waxaanuu yidhi;“Waxaanu wax ka qabanay dadkii laaluushka qaadan jiray ee maxkamadaha ka shaqaynayey iyo kuwii bixin jiray, iyada oo aanu dabogal ku samaynay, waxaanu sidoo kale qaadanay shaqaale  leh aqoonta sharciga oo u badan maamul. Qofka Caanka ah, Kan masuulka ah iyo ka taajirka ahi waxay la sinmeen dadka caadiga ah oo kalsoonidii dadka waanu soo celinay in badan, maadaama dadka qaar maxkamaddaha wax kale ka aminsanayeen oo ay kaba cabsoon jireen hadi maxkamadda arrin ama kiis ka galo, waxanu samaynay si anu kalsonidaas u soo celino inaanu adkayno garsoorka iyo qareenada dadka u dooda oo dad aqoon leh oo dhisan keeno oo qofku ku kalsoonaan karo inuuu xaq badan badan soo dhacsan karo, markaa imika dadku way aamineen garsoorka iyo maxkamadaha.”

Dhinaca kale Weftiga  ka  socda  dalka Sanadkan martida u ah Bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa oo ah Ghana  ayaa falanqayn ku saabsan doorka hogaamintu ku leedahay horumarinta bulshada iyo  haweenku sida ay dalkooda uga qayb qaataan horumarinta bulshada ka jeediyey Bandhigaa. Professor Kwame Karikari oo muddo todoba sanadood ahaa macalin jaamacadeed oo cilmiga Warbaahinta iyo Xidhiidhka bulshada, Professor Atukwei Okai oo ah qoraa iyo xoghayaha  qorayaasha Pan-African (Dhaqdhaqaaqa midaynta Afrika), isaga oo gabayadiisa loo turjumay ilaa lix luqadood, Amma Darko oo ah Suxufiyad madaxbanaan iyo Joe Addo oo nashqadayso dhismayaasha caasimada Ghana ee Acra,ayaa falanqeeyey doorka hoggaaminta ee horumarinta bulshada, iyada oo Amma Darko ka hadlaysa mawduucaanna waxa  ay tidhi; “hoggaamintu  kaliya maaha sharciga iyo maxkamadaha, hoggaamintu waa horumarinta bulshada. Dhalinyaradu had iyo jeer  waxa  ay masuul ka yihiin hoggaaminta iyo dhismaha bulshada”.

Prof Karikari, weftiga ka socda Ghana oo ah martida Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa ayaa Somaliland talo ku saabsan warbaahinta u soo jeediyey waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya; “Cabbudhinta iyo faafreebka saxaafaddu xal maaha, ogolaada in Idaacado laga furo Somaliland.” Sanadkasta  Bandhiga Caalamiga ah ee  Buugta Hargeysa waxa loo qaataa waddan marti ah oo soo bandhiga qoraaladooda iyo  mawduucyo dalkooda  khuseeya. Sidoo kale waxa la soo bandhigay  Buugga The Morning Tree, Buuggan oo ka hadlaya Taariikhdii UFFO oo ah kooxdii dhalinyarada ahayd ee bilawday kacdoonkii SNM ayaa waxa qoray Maxamed Barud Cali, iyaga oo madasha ka soo jeedinayey Axmed Muxumed Madar, Maxamed Baaruud Cali iyo Cabdiraxmaan Basalo oo ka mid ahaa dhalinyaradii UFFO ee la xidhxidhay.

Comments are closed