|

Shan Ruux oo Magaaladda Buuhoodle Ugu Geeriyooday Cudurka Shuban Biyoodka & Tiro aad u Badan oo u Jiifta

Buuhoodle 02. April 2017 (SDN/QJ):- Shan Ruux ayaa Ku Geeriyooday tiro kalena waxa ay u jiifaan Cibitaalada Magaalada Buuhoodle, kadib shuban Biyood baaxad leh oo ka dilaacay Deegaankaasi.

 

Madaxa Cibitaalka Gobolka Buuhoodle Dr Cali-Xukun Yuusuf Maxamed, oo ay La Xidhiidhay wakaaladda Wararka ee SOLNA Oo Warkan aanu ka Soo Xiganay Isaga Oo Ku sugan Magaladda Buuhoodle waxa uu u xaqiijiyay dhimashada Shanta ruux halka sidoo kalena uu dhakhtarku sheegay in shuban biyoodkan oo    dilaacay maalintii shalay ay u soo dheceen dad tiradoodu gaadhayso labaataneeyo ruux oo afar kamidana ay xaaladooda Caafimaad culus tahay.

Dr Cali Xukun waxa uu ka dalbaday Xukuumadda in ay  u baahan yihiin in la xidho xuduuda Somaliland iyo Itoobiya ee ku aadan Deegaanka Buuhoodle taas oo uu ka soo talaabay xanuunka shuban Biyoodka ahi halka sidoo kalena uu dalbaday in lala soo gaadho gurmad caafimaad sida Daawooyinka iyo adeegyada lagaga hortago nafaqo darada.

Comments are closed