|

Shaqaala ajaanibka ee ka hawlgala Dekeda Berbera oo ka walaacsan Jabhada ku sii siqeysa aagaas

Berbera August 03, 2023 (QJ) – Sida ay noogu soo warameen qaar ka mid ah masuuliyiinta ka hawlgala dekeda Berbera, waxa labadii maalmood ee u danbeeyay walaac soo wejahay shaqaalada ajaanibka ah ee dekedda Berbera ka hawlgala.

Shaqaalaha Ajaanibka oo dawladoohooda la xiriiray ayaa dalbaday daadgureyn degdeg ah ka dib kolkii ay soo baxday in Jabhada Gacan-Libaax ay haatan dhankooda u soo jiheysaneyso.

Dawladaha shaqaalahan ay ka soo jeedaan ayaa jawaab waafi ah ka helin xukuumada talada xooga ku heysata ee martida lo yahay.

Shaqaalaha ayaa la sheegay in ay dhici karto in loo daadgureeyo dhanka Muqdisho.

Jabhada isbedel doonka ee lidiga ku ah xukuumada bilaa sharciga dalka ku joogta ayaa awoodeedu isa sii tarayaa maalinba maalinta ka danbeysa, halka ciidamada ka amar qaaata labada Askari ay burbur wejahayaan maalin walba.

Xaalada Somaliland oo intii ka danbeysay dagaalkii Laascaanood gacanta ka sii baxeysay ayaa haatan u muuqata mid iminka cagta sii saareysa dhabihii burburka.

Tageereyaasha labada Askari ee beeleysan ayaa burburka Somaliland ka doorbidaya in xilka wareejiyaan, shacabka Somaliland na waxa ay u muuqdaan haatan qaar aan ka waaban doonin tilaabo kasta oo xilka looga tuurayo labada Askari.

 

 

Comments are closed