|

Sulaadiintii HEEGO oo mar kale u munaafaqeynaya Mucaaridka Hubeysan ee Somaliland

Hargeysa July 31, 2023 (QJ) – Maaxdhaqameedka beelha ku bahoobay HEEGO ayaa mar kale maanta hor yimi Bulshada iyaga oo isu muujinaya in ay xaldoon yihiin.

Madaxdhaqameedkan HEEGO ayaa hore mucaaridka wakhtiga uga riday una seexiyay taageereyaasha Mucaaridka oo ay ku qanciyeen mid waliba goonidiisa in ay dalka taladiisa qaanayaan dhawaan.

Waddani ayay hore ugu bushaareeyeen in ay musharaxooda u hartay uun dhaartii, halka ay UCIDna dhegtaugu shubeen in Waddani yo Muuse Biixi aan midna dalka lagu aamini kareyn.

Iminka oo dagaal isbedel doon uu dalkii ka dhacayna waxa ay mar kale isku deyayaan in ay garabka Muuse iyo Kaahin si dadban ula saftaan.

Jabhada xarunteedu tahay buuraleyda Gacan- Libaax oo durba laayay saraakiil iyo ciidan ka tirsan RRUda oo iyagu soo weeraray ayaa u muuqda in ay yihiin kuwii ridi lahaa xukuumada mudo dhaafka talada ku joogta.

Madaxdhaqameedka HEEGO ayaa doonaya in ay hoosaasiyaan Jabhada, kolka Muuse ciidamadiisa diyaariyana ay toos ula saftaan sidii horeba u dhacday 1993gii.

Balse isweydiintu waxa ay tahay Mucaaridka Hubeysan oo aan ka amar qaadan axsaabta HEEGO sameysatay ma loo munaafaqadeyn doonaa mise waa isbedel doon dhab ah oo dagaalku ka go’an yahay.

 

Comments are closed