Xukuumadda Sucuudiga Oo Dadkeeda Ku Fasaxday Inay Fadhataystaan Meherado Ganacsi Oo Qadar Ku Lahayd Sucuudiga Iyo Dadweyne Dukaamo Dhan Guranaya DAAWO

Riyadh 12. June 2017 (SDN/QJ):- Kadib markii uu xumaaday xidhiidhkii u dhaxeeyey dalalka Carabta ee uu hogaaminayo waddanka Sucuudi Carabiya iyo waddanka Qatar oo keenay in dawlado dhawr ah xidhiidhka u jaraan waddanka Qatar iyaga oo ku daba faylaya waddanka Sucuudiga ayaa waxa hanti boob iyo fadhataysi ka dhacay dhawr dukaan oo waaweyn oo ku yaalla boqortooyada Sucuudi Carabiya kaasi oo sawiro laga soo qaaday muujinayaa dadweyne Sucuudiyaan ah oo dukaamadaasi oo laga lahaa waddanka Qatar boob culus lagula kacay kadib markii madaxda Sucuudigu ay sheegeen in agabkaasi la guran karo.

Sawirro muuqaal ah oo lagu baahiyey baraha xidhiidhka Bulshada ayaa muujinaya dadweyne fara badan oo raxan raxan inta ay u soo galeen dukaamo waaweyn oo ganacsato Qatariyiin ahi leeyihiin kadibna alaabtii daldalanaya oo boobaya iyaga oo dadka boobkan samaynayay ay xataa ku jiraan dumar badani waxaana sawiradan ka soo baxay iyaga oo guranaya agab badan oo isugu jira qalabka Elektarooniga iyo alaabo kale oo isugu jira dhar, kabo iyo walxo kale oo qaali ah.

Oday Riyaad Al Xaddaad Al Tamiimi ayaa barta uu ku leeyahay mareegta xidhiidhka bulshada ee Facebook waxa uu ku baahiyey muuqaalo laga duubay macrad dhan oo dad sucuudiyaan ahi boobayaan oo ay dhammaan alaabtii taallay guranayaan waxaanu ciwaan uga dhigay sawiradaasi sidan: “Kadib markii Boqorka Sucuudigu amray in hantida Qadar leedahay ee Sucuudiga taallaa tahay mid u bannaan in ay dadku qaataan, waa kuwan dad badan oo guranaya alaab iyo hanta ay lahaayeen dad reer Qadar ahi”.

Tallaagado, muraayadaha waaweyn ee TV-yada, moobilo iyo agab badan oo elegtaroonig ah ayaa ka muuqda super market dhan oo weyn oo ay dadku ka guranayaan halka qaybo kale oo dhar u badana aad muuqaalka ka arkayso haween boobaya dhar iyo kabo fara badan oo isugu jira kuwa ciyaalka iyo kuwa dadka waaweynba.

Ma cadda in arrinkaasi sax yahay oo sidaasi ay madaxda Sucuudigu dadkooda ugu faasaxeen hantida Qadar laga leeyahay ee Sucuudiga taalla balse waxa cad oo muuqaaladan ka muuqda dad aad u gadoodsan oo u muuqda kuwo kacsan kuwaasi oo hantida si kalsooniyi ka muuqato u guranaya iyaga oo aan cidna ka baqanayn waxaanay muuqaaladaasi u ekaayeen kuwo bililiqo ah oo aad u ballaadhan.

Ugu dambayn muuqaaladan waxa ka muuqda askar sucuudiyaan ah oo dadka hantida boobaya ku dhex jira kuwaasi oo labadii qof ee hal shay isku qabsada u kala qaadaya oo mid siinaya si guudna ammaanka u sugaya balse aan ka hor joogsanayn alaabta la guranayo taasi oo muujinaysa in maamulka dalkaasi dadka la ogaa fadhatada lagula kacay hantida reer Qadar.