|

Shiinaha oo ayiday qorshe gargaar lagu gaadhsiinayo Syria

Beijing Feb 29,2012(SDN)-Wasiirka arimaha dibada ee xukuumada Shiinaha ayaa sheegay in ay ayidsan yihiin dedaalka caalamiga ah ee lagu doonaayo in  gargaar lagu gaadhsiiyo wadanka Suuriya  , ka dib markii uu hadal dhinaca  telefoonka ah uu kula yeeshay Xoghayaha  guud ee Jaamacada Carabta .
 
Geesta kale , ciidamada  Suuriya  ayaa weerar cusub  oo balaadhan maanta  ku qaaday  magaalada Xumis , sarkaal ka tirsan xukuumadda  Suuriya oo aan magaciisa  sheegin ayaa sheegay  weerarka haatan bilaabmay in uu  yahay mid lagu doonaayo  in lagu nadiifiyo magaalada Xumis , gaar ahaana degaanka Baabul Camar.

Waxaana degaankaasi ku jira boqolaal  dagaal yahano ah ooh ore  uga soo goostay ciidanka xukuumada Suuriya ,Ciidamada Bashaar AL-Asad  ayaa magaaladaasi duqayn culus ku hayay muddo 4 toddobaad ah.

SDN-Bijing

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed