|

Xildhibaan NacNac iyo masuuliyiin kale oo Deeq Raashin ah gaadhsiiyay gobolka Hawd

Baligubedle Feb 29,2012(SDN)-Xildhibaan Axmed Maxamud Diiriye NacNac oo uu waheliyo la taliyaha wasiirka Madaxtooyada iyo Arimaha Samafalka Mohamed Axmed Kaahin deeq raashin ah Gaadhsiiyay Gobolka Hawd iyo qaar ka mid ah Deegaanada hoos yimaada.

Deeqdan Raashinka oo ka timi dalka Qadar ayaa qaybinteeda waxaa fulinayay Hay’ada Munadumatul Dacwatul Islaami,Xildhibaan Axmed Mohamed Diiriye oo halkaasi ka hadlay ayaa Umad celiyay Hay’adaasi Dedaalka Xoogan ee ay ka wado Taakuleynta dadka Danyarta ah.

La Taliyaha Wasiirka Madaxtooyada Md.Mahamed Kaahin Isla markaana ah Masuul ka tirsan Hay’ada Munadamatul Dacwatul Islaami isla markaan ah Masuul sare oo ka tirsan hay’adaasi ayaa ku dheeraaday Deeqdaas iyo halkii ay ka timi,Isagoo sheegay in Taakuladani Sababta ay u soo gaadhay Gobolka Hawd Inuu lahaa xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac.

Gebgebadii waxaa halkaasi ugu Mahadceliyay Masuuliyiinta iyo Hay’ada Badhasaabka Gobolka Hawd iyo Ku xigeenkiisa iyo Xubno ka mid ah Dadkii Deeqdaasi loo qaybiyey.

Description: https://mail.google.com/mail/images/cleardot.gif

SDN-Baligubedle

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed