|

Waddamo door ah oo Xubin ka ah Qaramada Midoobay oo Dalbaday in dib loo habeeyo qaab dhismeedka golaha amaanka ee Qaramada Midoobay & Sababaha ay Cuskanayaan!!

New York 24. September 2017 (SDN/QJ):- Dalal Dhowr ah ayaa Golaha Jimciyada Guud ee Qaramada midoobay ka dalbaday in Dib u hayabayn dhakhso ah lagu sameeyo Golaha amaanka Qaramada Midoobay, Golahaas oo ay sheegeen qaabka dhismihiisa iyo hannaanka uu u shaqeeyaaba in ay yihiin hanaankii loo dejiyey Waqtigii Dagaalkii Labaad ee aduunka.

Golaha amaanka ee Qaramada midoobay oo ka kooban shan iyo Toban Dal oo shan ka mid ah  loogu yeedho Dalalka Rigliga ku ah Golaha isla markaasina leh awooda diidamada Qayaxan, halka Tobanka dal ee kale ay yihiin dalal aan joogto ahayn, kuwaas oo xilkoodu uu yahay meerto laba sanadood ah.

Golaha amaanka qaramada midoobay ayaa xil gudashadiisa shaqo ay ka mid tahay ilaalinta amaanka Caalamka, iyo in uu Cuna qabatayn ku soo rogi karo cidii ay lagama maar maan noqoto iyo ogolaanshaha Cudud milateri in cid lagu fara galin karo hadii ay lagama maarmaan u muuqato.

Dalalka iyagu soo jeediyey in dib u habayn lagu sameeyo Golaha amaanka ayaa waxa kala yihiin, dalalka Jarmalka,Japan,Hindiya iyo Baraaziil kuwaasi oo lagu tiriyo dalalka dhaqaalahoodu ugu koris roonyahay Caalamka, kuwaasi oo doonaya inay xubno joogto ah ka noqdaan Golahaasi.

Comments are closed