|

Shiinaha oo xusaya 70-guuradii kasoo wareegatay Markii ay ka Adkaadeen Dalka Japan (DAAWO SAWIRRADA)

Beijing,3sep,2015(QJ/SDN)-Dalka Shiinaha ayaa u Dabaal-dagaya Maanta 70-guuradii kasoo Wareegatay markii uu ka Adkaaday Jabaan Dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana xaflada lagu soo bandhigay dhoollatus milateri ay ka dhacday fagaaraha Tianmen ee Magaalada Beijing.

Ciidammo tiradoodu gaarayso 12,000 oo askari iyo 200 oo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayaa ka Qayb-galaya dabaal-degga, iyadoo munaasabaddana ay ku sugan yihiin madax ka socota Waddamada caalamka Qaarkood.

Madaxweynaha dalka Shiinaha, Xi Jinping ayaa Munaasabadda ka sheegay in Shacabkiisu ay dagaal adag soo galeen, ayna ka guuleysteen Jabbaan xilligii uu socday dagaalkii labaad ee Adduunka sannadihii Afartameeyadii.

Sidoo kale, Xi Jinping ayaa sidoo kale xusay inuu dhimi doono illaa 300,000 oo Ciidamada Shiinaha ka mid ah, inkastoo aanu sheegin Waqtiga la dhimi doono ciidamadaas.

Munaasabadda ayaa waxaa Goobjoog ka ah Madaxweynayaal iyo Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha dalalka Ruushka, Koofur Kuuriya iyo xubno kale oo ka socda Waddamada Qaaradda Afrika.

Ugu dambeyn, Awooda ciidamada Shiinaha ayaa sii kordhaysa iyadoo si toos ah isha loogu hayo kororka awoodda dhanka ciidamada ee Shiinaha, xilli ay Xiisado adagi ay ka jiraan Gobolka, Waxaana horay u jiray walaac laga qabo Awoodda Millateri ee Shiinuhu uu ku tallaabsanayo.

Shiinaha_Sannadguuro (1) Shiinaha_Sannadguuro (2) Shiinaha_Sannadguuro (3) Shiinaha_Sannadguuro (5) Shiinaha_Sannadguuro (6) Shiinaha_Sannadguuro (8) Shiinaha_Sannadguuro (9) Shiinaha_Sannadguuro (10) Shiinaha_Sannadguuro (11)

Comments are closed