|

Shir Dhinaca Ishgaadhsiinta Ah Oo Lagu Hanbalyeeyay Maayarka Dib Loo Doortay Ee Magaalada Ceerigaabo.

London Dec17/12(SDN)- Kulan ay maanta khadka wada sheekaysiga Taleefoonka ku yeesheen xubno qurbo joog ah iyo qaar kale oo ku nool dalka Somaliland oo ka soo jeeda magaalada Ceerigaabo, ayaa hambalyo iyo bogaadin u gudbiyay Maayarka dib loo doortay ee Magaaladaasi Ismaaciil X. Nuur Faarax.xubanaha shirkaasi wada galay waxa ka mid ah, Maareeye-ku xigeenkii hore ee Madbacada qaranka Mustafe Cabdi Ciise”Shiine, Xildhibaan Iimaan Ciise oo ka mid ahaa mudanayaashii golaha deegaanka ee shalay la bedelay ee magaalada Ceerigaabo oo hadda muddo ku noolaa cariga Ingiriiska, Injineer Cabdi Axmed Carab,Aqoonyahan Anwar Maxamed Aadan,Aamino Barigeeye,Hoodo Cali Yuusuf,Maxamuud Axmed Cabdale,Saalax Cabdi Muuse,Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalamar iyo Mustafe Cali Yuusuf.

Mustafe Cabdi Ciise “Shiine” oo ka mid ahaa Xubnaha London ku sugan ee shirkaasi ku galay qadka isgaadhsiinta, ayaa u sheegay Oodweynenews in ay isku raaceen in la garab istaago Maayarka cusub lagalana shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa caasimada gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

 

Shiine waxa uu sheegay in ay Maayarka la doortay ku kasloon yihiin inuu yahay masuul waayo-arag ah oo mideyn kara dadweynaha degmadaasi, waxana uu intaasi ku daray inuu wax la taaban karo ka soo qabtay magaaladaasi tobankii sanno ee uu maayarka ka ahaa iyo ka horba, sidaasi daraadeedna uu ugu hanbalyeynayo xildhibaanada doortay isaga iyo maayar ku xigeenkaba go’aanka geesinimada leh ee ay qaateen.

isagoo ka jawaabaya Mustafe Shiine in hadaladii Maayarka ay ka muuqatay inaanay dawladu ku qanacsanayn doorashada Maayarka waxa uu kaga jawaabay ” way dhici kartaa in xubno dawlada ka tirsan aanay ku qanacsanayn raalina ku ahayn, waayo, waan garan karaa in xisbi xaakumiku uu dedaal ugu jiro in uu qaato dhamaan maayarada dalka,laakiin waxa aan lee yahay xubnaha liqi kari la’ arrintaas, gacantii aanad jari karin waa la dhunkadaa, faragelinta intaa dhaafsiisani wax kalay dhali doontaa ee aynu dhinaca wanaagsan u fikiro, dawladu iyadaa u waayeel ah dalka yaanay fududaan Reer Ceerigaabo ha laysku daayo.”

mustafe Shiine oo ka mid ahaa xubnihii Xisbiga Kulmiye uga ololeeyay Ceerigaabo xiligii doorashada Madaxtooyada, ayaa isagoo Maayarka la dardaarmayana waxa uu yidhi “Maayar Ismaaciil waxa aan kula dardaarmi lahaa inaanay damqin durista dhinaca ka soo horjeeda oo uu ku talaabsado sidii uu u midayn lahaa dhamaan xubnaha golaha deegaanka ee magaaladiisa si aanay uga mashquulin horumarkintii uu ka waday magaalada”.

isagoo arrintaasi ka sii hadlayana waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Sidoo waxa kale waxaan Maayarka u soo jeedin ayaa inuu wada shaqayn dhaw la yeesho xukuumadda hadda talada haysa, maadaama ay tahay xukuumad la doortay oo ay tahay in wakhtigeeda lala shaqeeyo, si wada jir ahna looga fakiro sidii dalka iyo dadka wax loogu qaban lahaa”.

waxa Mustafe uu sheegay in maanta ay Somaliland u baahan tahay in gacmaha la is qabsado oo laga fogaado wixii qalalaase ka dhex abuuri kara bulshada reer Somaliland gudaheeda, weliba gobolada fog ee wax tarka dawladeedi uu aadka ugu yar yahay, sida Ceerigaabo.

mar aanu waydiinay in doorashada maayarka Ceerigaabo ay si xalaal ah ku dhacday waxa uu yidhi ” marka ay is dooranayaan waa in koramku buuxsamo, ugu yaraana ay doortaan 11 xubnood oo ka mid ah xildhibaanada la doortay, kuwaasin oo awood u leh in ay dhex dooda ka dooran karaan cidii ay doonaan, mar haddii ay 11 xildhibaan goobta joogee,gudoomiyihii maxkamaduna ku dhaariyay isla goobta, Badhasaabka gobolka xafiiskiisa ay ka dhacday wasiirkii gudaha ee qaabilsanaa la shaqaynta golayaasha deegaankuna uu raali ka ahaa in ay is doorashada mudanayaasha dhex doodu dhacdo garan maayo waxa keenaya su’aasha ah in ay si xalaal ah ku dhacday, jawaabtuna waa haa si xor ah oo xalaal ah ayay ku dhacday mar haddii 11 xildhibaani madasha fadhiyeen, kuwa ka soo xaadiri waayayna waa u nasiib daro waxa ay ahayd haddii ay kalsooni ku qabaan inay la tartamaan oo codkooda meel kale mariyaan,taasi ayay dimoqraadiyadu ina faraysaa oo qurux leh oo sharaf leh oo wada jir leh.”

 

qurbojoog

London

Comments are closed