|

Urur-siyaasaddeedka Waddani oo bogaadiyay Ismaaciil Xaaji Nuur oo sii xejistay xilkiisa Maayornimada Ceerigaabo

Hargeysa December 17, 2012 (SDN)- Urur-siyaasaddeedka Waddani oo ka mid ah saddexda loo badinayo inay noqdaan xisbiyada Somaliland ee 10-ka sannadood ee soo socda, ayaa bogaadiyay golaha cusub ee Deegaanka degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Golaha Deegaanka magaalada Ceerigaabo oo ka kooban 21 xubnood, waxa uu shalay doortay hoggaankooda, iyadoo Maayarkii magaaladaas Xildhibaan Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax uu markale ku guulaystay jagadaas.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kooban oo uu soosaaray afhayeenka ururka Waddani xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, hoggaanka ururkaasi waxa uu maayar Ismaaciil Xaaji Nuur iyo ku-xigeenkiisa Mr. Saalax Ismaaciil Cabaase uu Allaah uga baryay inuu u fududeeyo xilkaas loo doortay, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Hogaanka Sare ee Gudida Fulinta iyo Golaha Dhexe ee WADDANI waxay Hanbalyo u dirayaan, soona dhawaynayaa Golaha Deegaanka Ceerigaabo, kuwaasoo si buuxda u doortay Maayirka Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo ku Xigeenkiisa Saalax Ismaaciil Cabaase.

Masuuliyiinta WADDANI waxay Illaahay uga baryayaan in xilka ku garab galo masuuliyiinta loo doortay ee Degmada Ceerigaabo iyo dhamaan Golayaasha cusub.”

Dhinaca kale, Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka soo baxay ururka Waddani, kana mid ah xubnaha cusub ee doorashadii 28 November uga soo baxay Ceerigaabo, waxa uu muddo dheer hayay jagada markale loo doortay.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed