|

Shir lagaga Hadlayo Kor u qaadida Awooda Baarlamaanka Somaliland oo ka Socda Nairobi DAAWO

WEFTIGA BAARLAMANKANairobi 31.May 2016 (SDN/QJ):- Wefti balaadhan oo ka Socda Labada Golle ee Guurtida iyo Wakiiladda Isla markaana uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Socdaal Shaqo ku tegay Xarunta Waddanka Kenya ee Magaalada Nairobi.
Xubnahan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland ayaa ka qayb galay shir lagaga hadlayo sidii kor loogu qaadi lahaa awooda wacyi galineed ee dhinaca amniga oo ka dhacay magaalada Nairobi.
Shirka waxaa lagaga wada hadlayaa sidii qaramada midoobay baarlamaanka Somaliland u siin lahayd tababaro kor loogu qaadayo wacyigalinta dhinaca Amniga ee baarlamaanka, tayaynta shaqaalaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awooda baarlamaanka Somaliland.

Comments are closed