|

Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka oo maalintii labaad si habsami leh uga socda Muqdisho

Muqdisho, 8 September 2016 (SDN/QJ) Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka ayaa maalintii labaad si habsami leh uga socda Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carteh iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

IB0A0991

Comments are closed