|

Xukuumada Somaliland oo Xabsiga dhigtay Gudoomiye Ku Xigeenkii Ururka Solja

Hargaysa 08.Sep 2016 (SDN/QJ):-Ciidamada booliska Gobolka Togdheer ayaa xabsiga u taxaabay galabta Guddoomiye Kuxigeenka Ururka SOLJA Weriye Keyse Axmed Digaale, kadib markii laga soo qabtay gurigiisa oo uu wkahtigaa ku sugnaa.

 

kayse-axmed-digaaleMa jiro war rasmiya oo ka soo baxay Ciidamada booliska Somaliland oo la xidhiidha Xadhiga Weriyaha  iyo sababta loo soo xidhay. Hasayeeshe waxa lagu war helay isaga oo gurigiisa ku sugan oo ay Ciidamo watay laba Xaajiyadood ay ka soo qabteen.

 

Xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo ayaa waxay caan ku noqotay kala qeybinta iyo burburinta Saxaafadda madaxa-banaan iyo ta dawlada-ba, iyada oo aanay jirin wax u kordhay awood ahaan iyo aqoon ahaan-ba Saxaafadda Somalliland wax ka dhacay Mooyaane muddada ay xilka haysey.

Comments are closed