|

Shirkada Telesom oo hawada ka saartay Riyaawaayad ka warameysay dhibaatooyinka Shirkada

Hargeysa Mar 03,2016(SDN/QJ)-Shirkada isgaarsiinta Telesom ee ka hawlgasha degaanada Somaliland ayaa ku sifoowday eedeymo loogu soo jeediyay riwaayad laga sameeyay habdhaqankeeda ka dib kolkii hawada laga waayay muuqaalkii riwaaydaas.

Muuqaalkan ayaa soo bandhigay dhibaatooyin is dulsaaran oo la xiriira dhanka dhaqaalaha, warbaahinta, dawladnimada iyo caafimaadka oo laga dhaxlay sida riwaayada lagu sheegay Shirkada Telesom.

Shirkada Telesom Ayaan ka jaawaabin eedaha loogu jeediyay video gan oo ay daawadeen dadyow faro badan oo dareeno kala duwan ka bixiyay.

Si kastaba ha ahaatee dhabahan ay qaaday shirkada Telesom ayaa noqon kara mid bulshada u muujiya in eedahan loo jeediyay aan wax jawaab ah u heyn.

Shirkadaha Somalida ayaa muquuninta saxaafada iyo cidii qoonsata adeegyadooda caadeystay isla markaana aan isku taxalujin soo bandhigida jawaabo waafi oo ku wejahan dhaliilaha loo jeediyo.

HALKAN HOOSE KA EEG MUUQAALKA HAWADA LAGA SAARAY EE DHALIILAYAY TELESOM

Comments are closed