|

War Deg Deg ah: Ciidamadda Amaanka oo Gacanta ku Soo dhigay 8 Nin oo lala Xidhiidhinayo Dilkii Taliyihii Qaybta Booliska G.Saaxil iyo 3 La Sheegay inay Baxsadeen

Berbera 03 March 2016 (SDN/QJ):- Ciidanka Amaanka Oo Gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah Dablaydii La Baadi Goobayey ee Dishay Taliyihii Booliska Gobolka Saaxil

Ciidan-boolisWararka naga soo gaadhaya magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa sheegay in ay ciidanka amaanka ee labadii maalmood ee u dambeeyey ku daba jiray kooxdii dablayda ahayd ee weerarka jidgooyada ah ku dishay Taliye qaybeedkii Booliska Gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Casayr.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka amaanka iyo masuuliyiin dawladda ee ku sugan berbera, balse warar hor dhac ah oo ay Shabakada Qurbejoog ka heshay magaalada berbera, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay 8 ka mid ah kooxda dablayda ah ee ka dambaysay dilka alla ha u naxariistee Taliye Casayr,Warku wuxuu intaas ku darayaa inay Baxsadeen 3 Nin oo kale oo Kooxdan ka mid ah.

Mas’uuliyiinta dawladda ee ku sugan magaaadda berbera ee uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa la sheegay in ay hadda warbaahinta ugu yeedheen shir jaraa’id oo ay qabanayaan, kaas oo la filayo inay ku Shaaciyaan Tirada rasmiga ah ee Ciidamadu gacanta ku dhigeen iyo Halka Xaal marayo.

Comments are closed