Muqdisho (QJ) – Shalay ayaa lagu waday in magaalada Muqdisho uu mar kale ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo ay isugu imaan la haayeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa dib u dhigtay shirkan oo markii hore qorshuhu ahaa 1-da May, ilaa 5-ta bisha oo shalay ku beegnyd. Si kastaba ha ahaatee, furitaankii shirka ayaa maanta mar kale dib u dhac ku yimid, iyadoo aan la ogeyn sababaha uu u baaqday.
Madaxda dowlad goboleedyada ayaan wali soo gaarin magaalada Muqdisho marka laga reebo madaxweynaha maamulka Khaatumo. Ilaa hadda ma cadda goorta uu si rasmi ah u qabsoomi doono shirkan, maadaama markii hore uu ahaa mid aan loo dhamayn.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin dib u dhacan labaad iyo sababaha keenay. Sidoo kale, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaan la shaacin xilliga rasmiga ah ee uu shirku furmayo.
Shirkaan ayaanan ka qeyb gali doonin madaxda Puntland iyo Jubbaland oo khilaaf xoogan kala dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Dadaallo ay beesha caalamka ku dooneysay in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ka qeyb galaan wada hadalada ayaan ilaa hadda lagu guuleysan.
