|

Siciid Deni oo mar labaad loo doortay madaxweyne

Garoowe January 08, 2024 (QJ) -Siciid Cabdullaahi Deni ayaa noqday Madaxweynaha cusub ee Puntland, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Deni ayaa helay codadka ugu badan ee doorashada, isagoo ka guuleystay 11 musharrax oo kale oo uu ku jiro Guuleed Saalax oo ku soo baxay kaalinta labaad.
Deni ayaa noqday madaxweynaha keliya ee dib loodooorto taariikhda  Puntland.
Sidoo kale Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka Puntland wareeggii sadexaad ee doorashada.
Lugatoor ayaa guuleystay kadib markii ay loolameen 11 musharax oo u tartamayey xilkaasi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo dib loogu doortay, iyadoo ku ammaantay hoggaamintiisa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay rajaynayso in Madaxweynaha cusub ee la doortay uu si xilkasnimo leh u guto waajibaadkiisa, isla markaana uu ka qayb qaato horumarka iyo xasiloonida Soomaaliya, isagoo ku baaqay in loo midoobo shacabka, musharixiinta, iyo Baarlamaanka Puntland si loo fududeeyo hawsha muhiimka ah ee horu marinta dowladnimada dalka.

Comments are closed