|

Sirdoonka Somaliland oo qabaqabtay dad ay ku sheegtay Shabaab

Hargeysa January 29, 2024 (QJ) -Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigtay shaqsiyaad lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab oo dhawaan ka soo safray degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

War qoraal ah oo ay soo saartay hay’adda sirdoonka Somaliland, ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ka qayb qaateen hay’adda sirdoonka iyo ciidamada Somaliland lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Xubnaha la xiray ayaa ka kooban 7 qof oo ay ku jiraan shan rag ah iyo labo dumar ah, sida sirdoonku sheegeen. Somaliland waxay ku eedaynaysaa dadka la qabqabtay in ay ku jiraan saraakiil sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab. Xarigan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Al-shabaab ay digniin culus kasoo saartay heshiiskii dhinaca badda ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, kaasoo ay kala saxiixdeen madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Somaliland Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Comments are closed